SHAXDA Lacagta!! Shaxda Ugu Qaalisan Dunida, Kooxda Ugu

Walow ay nici doonaan jamaahiirtii hore ee kubadda cagta sanadaha badan soo daawanayay haddana kubadda cagta maanta ayaa in badan oo kamid ahi ganacsi tahay.

Rekoodhada suuqa kala iibsiga ee kooxaha Yurub ayaa ahaa kuwo in badan oo kamida la jabiyay sanadihii ugu dambeeyay sida in rekoodhka abid ee suuqa uu jabiyay Neymar JR oo ay Paris Saint-Germain ka dhigtay ciyaaryahanka ugu qaalisan taariikhda.

Dhinaca kale Paris Saint-Germain oo aad moodo inay hormood ka tahay kooxaha heerka casriga ah ee lacagta ku salaysan u raraya kubadda cagta ayaa sidoo kale Kylian Mbappe oo ay 166 Milyan oo euro.

Waxaanu halkan idinkula wadaagaynaa shaxda ay shabakadda Transfermarkt ka samaysay xiddigaha ugu qaalisan kubadda cagta haatan oo guud ahaan ku salaysan €1.19 billion.

Shaxdan ayuu booska goolka ugu soo baxay jan Oblak oo loo arko midka ugu qaalisan booskaas wakhtigan isaga oo 90 Milyan oo euro ku qiimaysan.

Labada daafac dhexe ee xulashada Transfermarkt ayaa kala ah Matthijs De Ligt iyo Virgil Van Dijk oo labaduba Dutch ah kana soo jeeda dalka Netherlands balse ka kala tirsan Juventus iyo Liverpool sida ay u kala horreeyaan.

Daafaca midig ayuu xorraystay da’yarka Liverpool ee Trent Alexander Arnold halka uu daafaca bidix kusoo baxay dhigiisa Bayern Munich ee Alphonse Davies oo xilli ciyaareedkii hore horumarkii ugu weynaa sameeyay.

Bur-buriyaha shaxdan ayaa ah Joshua Kimmich oo Bayern Munich ka tirsan halka uu kubad sameeyaheedu yahay mashiinka Manchester City ee Kevin De Bruyne.

Labada garab ee shaxdan ayaa kala ah Raheem Sterling oo Manchester City ah iyo Sadio Mane oo Liverpool ah iyagoo siddeed Milyan is-dheer labadoodu.

Laba weeraryahan oo shaxdan loo sameeyay ayaa ah xiddigaha Paris Saint-Germain ee rekoodhka suuqa haysta hadda ee Kylian Mbappe iyo Neymar JR.

Shaxda Oo Sawir Ah

GK –  Jan Oblak | Atletico Madrid | €90m

LB – Alphonso Davies | Bayern Munich | €80m

CB – Virgil van Dijk | Liverpool | €80m

CB – Matthijs de Ligt | Juventus | €70m

RB – Trent Alexander-Arnold | Liverpool | €110m

CDM – Joshua Kimmich | Bayern Munich | €85m

LM – Sadio Mane | Liverpool | €120m

CAM – Kevin De Bruyne | Manchester City | €120m

RM – Raheem Sterling | Manchester City | €128m

ST – Kylian Mbappe | PSG | €180m

ST – Neymar | PSG | €128m

 

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More