Waa Maxay Sababta Aan Liverpool Rigoore Loogu Dhigin, Jordan
Ka dib guuldaradii ceebta aheyd ee Liverpool ka soo gaartay Aston Villa, waxay kulanka maanta ee Goodison Park ku bilowdeen si fiican iyadoo ujeedkoodu yahay inay ku soo laabtaan wadada guusha.
- Advertisement -
Kaliya seddex daqiiqo ayay kuq aadatay inay hogaanka u qabtaan ciyaarta.
Waxay aheyd kubad ay si fiican uga soo shaqeeyeen iyadoo Andy Robertson uu kubada la soo dhaafay Seamus Coleman ka hor inta uusan u celinin Sadio Mane oo shabaqa ku hubsaday.
Kaliya daqiiqado yar ka dib, Liverpool ayaa ku dhawaatay in rigoore loo dhigo.
Goolhayaha Everton Jordan Pickford ayaa qalad xun oo dhaawacay daafaca Virgil van Dijk kula galay xerada ganaaxa.
Laakiin Liverpool rigoore looma dhigin, sidoo kalena Jordan Picford wuu ka badbaaday in casaan la siiyo.
Sababtoo ah ka hor inta uusan qaladka dhicin caawiyaha garsooraha ayaa taagan calanka isagoo muujinaya in Van Dijk uu offside ahaa taasoo keentay inaan Reds rigoore loo dhigin islamarkaana Picford uu nasiib ku lahaado inaan ciyaarta laga saarin.
Van Dijk qeyb ka mid ah gacantiisa ayaa offside aheyd, waana sharciga cusub ee kubadaha garab dhaafka iyadoo xilli ciyaareedkii hore, offside laga xisaabayay kilkisha laakiin haatan waxaa la xisaabayaa gacanta oo idil.
Qaladka lagu galay Van Dijk ayaa ahaa mid aad u xun taasoo sababtay in la bedelo.
Van Dijk waxaa bedelay daafaca keydka la geliyay Joe Gomez, iyadoo daqiiqado ka dib ay Liverpool tabtay daafaca reer Holland.
Koorno ay soo qaadeen Everton ayaa waxaa madax ku dhaliyay Michael Keane waxayna aheyd kubadaha madaxa ee Van Dijk looga bartay inuu difaacdo.