Browsing Category
Sports
Wararka Ciyaaraha | Sport. Firstly, your best sports source, From, the expert view you can trust.
Garsoore Premier League Caan Ka Ah Oo Kula Kaftamay Xiddig
Kabtanka kooxda Watford Troy Deeney ayaa bilaabay inuu maqaalo ku qoran wargeyska The Sun iyadoo kooxdiisa ay xilli ciyaareedkii la soo dhaafay ka dhacday horyaalka Premier League una laabatay heerka labaad.Deeney ayaa maqaaladiisii ugu horeysay ee uu ku daabaco wargeyska waxa uu kaga hadlay cunsuriyada kubada iyo weliba xiddigaha iyo tababarayaasha uu sida weyn u qiimeeyo.Troy Deeney oo ka hadlayay garsoorayaasha uu jecel yahay ayaa soo qaatay labo tababare inkastoo mid ka mid ah uu sheegay inuu mar walba ku yiraahdo “Waad…
Wixii Lagu Xaman Jiray Bayern Munich Oo Xaqiiqo Noqday &
Kubad sameeyaha kooxda Barcelona iyo xulka qaranka Brazil ee Philippe Coutinho ayaa markale si dadban uga markhaati ah awooda jidh ahaaneed ee ay Bayern Munich oo uu sanad amaah kula soo joogay kasoo dhisto xiddigaha kooxdeeda.Sida aad loogu hadal hayay baraha bulshada bilooyinkan ugu dambeeyay, Bayern ayaa aad u dhista jidh ahaan xiddigaha kooxdeeda iyadoo la samaynayay sawiro la isku bar-bardhigayay awoodoodii jidh ahaaneed ee hore iyo midii markii ay kooxdooda ku biireen.Xiddiga horumarka jidh ahaaneed ee ugu layaabka…
Shaxda Rasmiga Ah Ee Kulanka West Ham United vs Man City –
Kooxda Manchester City oo uu hormood u yahay tababare Pep Guardiola ayaa booqanaysa West Ham United oo uu horkacato David Moyes isla markaana qaab ciyaareed wanaagsan kusoo jirtay guud ahaan saddexdii kulan ee ugu dambeeyay.City ayaa ciyaarteedii ugu dambaysay guul 1-0 ah kasoo gaadhay Arsenal oo marti u ahayd halka ay Hammers 12 daqiiqo hoggaan 3-0 ah kaga soo celiyeen Tottenham ciyaartoodii ugu dambaysay iyagoo 3-3 bar-bardhac kula soo galay.West Ham United ayuu safkeeda gabi ahaanba ka maqan yahay mucjisada carbeed ee…
Geeridii Deg-degga Ahayd Ee Benitez Iyo Murugooyinka
Julio Cesar Benitez wuxuu yimid waddanka Spain dhamaadka sannadihii 1950-meeyadii si uu waayihiisa ciyaareed uga sii wato horyaalka LaLiga. Waqtiyo kooban oo uu joogay labada kooxood ee Real Valladolid iyo Real Zaragoza waxa uu laacibkan hore ee reer Uruguay hore u qaaday tallaabooyin waaweyn oo uu ka mid noqday Barcelona.Sannadihii uu xidhnaa garanka Barcelona, waxa uu ahaa mid dagaalku kasoo horreeyo oo neceb in lagu jabiyo garoonka dhexdiisa, kooxdiisuna guul-darro qaadato, waxaanay halgan dagaal qadhaadh ahaa ay iskaga…
AKHRISO YAABKAN!! Jordan Henderson Oo Isku Dayey Inuu
Kabtanka Liverpool ee Jordan Henderson ayaa isku dayay inuu Liverpool ka joojiyo inay lasoo saxeexato laacibka reer Brazil ee Fabinho, waxaanu u tegay tababare Jurgen Klopp si uu ugu qanciyo in aanu laacibkan keenin Anfield.Henderson oo udub-dhexaad u ahaa Liverpool xili ciyaareedkii hore, ila markaana ahaa mishiinka kala hagayay kubbadaha khadka dhexe ee sababta u noqday in kooxdiisu ay ku guuleysato tartanka Premier League oo muddo 30 sannadood ah ay ka qatanayaayeen, ayay hadda soo baxeen xogo layaab leh oo ku saabsan…
Hordhac: Manchester United vs Chelsea
Manchester United ayaa maanta kusoo dhoweynaysa garoonkeeda Old Trafford kooxda kubadda cagta Chelsea, waxaanay jilbaha iskugu dhigan doonaan kulanka usbuuca lixaad ee horyaalka Premier League ee xili ciyaareedkan.Red Devils oo kulan xusuus wanaagsan u lahaa toddobaadkii hore kusoo qaadatay magaalada Paris oo ay kusoo garaacday PSG ayaa qaabbilaysa Chelsea oo garoonkeeda Stamford Bridge barbarro goolal la’aan ah kula soo gashay Sevilla.Toddobaadyadu kala duwan!! maalmo ka hor, Manchester United ayaa ahayd koox qalalaase ku…
“Aniga Iyo Hooyadaaba Waan Kugu Hanweyn Nahay Waana Kugu
Jurgen Klopp ayaa si qiiro leh uga hadlay sida uu ugu faanayo Marcus Rashford inkastoo uu xiddigaan u ciyaaro kooxda ay Liverpool xafiiltamaan ee Manchester United.Tababaraha Liverpool ayaa gudbay xeyn daabka xafiiltanka kubada cagta isagoo taageero u muujiyay weeraryahanka oo hogaaminaya la dagaalanka saboolnimada caruurta iyadoo dowlada Ingariiska ay ku guuldareysatay inay caawiso caruurta.Wuxuuna sheegay in kubada cagta ay mar walba tahay mid dadka isku keenta islamarkaan ay soo bandhigeyso bani’aadanimadeena.“Waxaan…
Waa Kuwan Xiddigaha Goolasha Ugu Badan Kasoo Dhaliyey
Kulanka xamaasadda badan ee El Clasico, waxa muddooyinkii u dambeeyey uu isku beddelay xafiiltan u dhexeeyey laba ciyaartoy oo ahaa Lionel Messi iyo Cristiano Ronaldo. Labadan laacib, ayaa sannadihii ay iska soo horjeedeen waxay kulankan weyn ka dhaliyeen goolashii ugu badnaa abid.Lionel Messi ayaa ah laacibka ugu goolasha badan taariikhda kulanka Clasico, waxaana uu Real Madrid ka dhaliyey 26 gool 41 ciyaarood oo uu ka hor tegay Los Blancos, kuwaas oo 19 ka mid ah uu kooxdiisa Barcelona guusha ku hoggaamiyey, 11 ay barbarro…
Halyey Reer Brazil Ee Pele Oo 80 Jirsaday Iyo Magacyada
Halyeyga reer Brazil ee Pele ayaa maanta ay da’diisu ku buuxsantay 80 jir, waxaana dib loo milicsanayaa waayihiisii garoomada iyo waqtigii ka dambeeyey ee khibraddiisa iyo waayo-aragnimadiisu shaqaynayeen.Pele ayaa xaaladdiisa caafimaad sannadihii ugu dambeeyey liidatay, waxaana dhawr jeer uu galay cusbitaalka oo lagaga daaweeyey xanuunno wadnaha ah iyo kuwo jidhkiisaba ah, iyadoo laga beddelay lafaha miskaha oo uu ka dhaqaaqi kari waayey.Markii uu bilaabmay xanuunka Korona Fayraska ayaa taxadar-dheeraad ah loo sameeyey Pele…
Ole Gunnar Solskjaer Oo Shaaciyey In SADDEX Ciyaartoy Kasoo
Harry Maguire, Edinson Cavani iyo Mason Greenwood ayaa dhamaantood la filayaa inay kasoo muuqdaan garoonka Old Trafford marka ay Sabtida berri Manchester United soo dhoweyso Chelsea.Saddexdan ciyaartoy ayaa seegay kulankii Champions League ee Salaasadii ay Manchester United guusha kaga soo gaadhay PSG oo ay ugu tagtay Paris, waxaana uu mid walba oo xiddigahan ahi ku jiray xaalad u gaar ah.Maguire ayaa ciyaartan ku seegay dhaawac, Greenwood oo isaguna aan ku jirin liiska ciyaartoyda United ee kulankii Newcastle ay guusha 4-1…