Browsing Category
Sports
Wararka Ciyaaraha | Sport. Firstly, your best sports source, From, the expert view you can trust.
Dani Alves: Waxaan doonayay in Barcelona aan ku laabato hadii ay qirtaan inay iga qaldanaayeen!
Dani Alves ayaa shaaca ka qaaday inuu doonayay inuu ku laabto Barcelona laakiin wuxuu sheegay in kooxdu ay lahaan weysay xiniinyihii ay ku qiran lahaayeen qaladkii ay isaga ka galeen.
Xiddiga reer Brazil Alaves oo 37 sanno jir ah ayaa 391 kulan u ciyaaray kooxda Catalans intii u dhaxeysay 2008 ilaa 2016 isagoo kula guuleystay 23 koob oo lix ka mid ah ay ahaayeen horyaalka La Liga iyo seddex koob oo Champions League ah.
Ka dib markii uu noqday daafaca midig ee ugu fiican dunida, waxaa la si lama filaan ah loogu ogolaaday…
Tababaraha Ay Doonayaan Ciyaaryahanadda Man United Inuu Bedelo
Ciyaaryahanadda Manchester United ayaa qalinka ku duugay inay doonayaan in tababare Mauricio Pochettino inuu bedelo macalinkooda haatan Ole Gunnar Solskjaer sida ay sheegayaan wararka soo baxaya.Warkaan ayaa daba socda ka dib markii shalay oo Khamiis ah la sheegay in Red Devils ay xiriir la sameysay macalinkii hore ee Tottenham si uu kooxda u hogaamiyo.Tababaraha reer Norway ayaa loo ogolaaday inuu kooxda hogaamiyo kulanka Goodison Park ee ay Everton kula ciyaarayaan berri oon Sabti ah, iyadoo guuldarro soo gaarta ay keeni…
“James Rodriguez kuma habbooneyn Miyaa”Sidee Man Utd ay u lumisay fursad ay kula soo saxiixan lahayd xiddiga Everton
Xiddiga reer Colombia ee James Rodriguez ayaa daboolka ka qaaday sababtii uu iskaga diiday Manchester United oo dalab usoo gudbisay waqtigiisii Real Madrid, isla markaana uu uga doortay inuu ku biiro Everton.
James Rodriguez oo warbaahinta la hadlay ka hor kulanka xaasaasiga ah ee Everton ay kusoo dhoweynayso Manchester United oo daalaa-dhacaysa, ayaa uu shaaciyey arrimihii qarsoonaa ee ka caawiyey go’aanka kala-doorashada labadan kooxood.
Rodriguez oo horyaalka Premier League si cajiib ah kula bilowday ayaa dhaliyey…
Isku soo wada duuboo Wararkii ugu dambeeyay ee Barcelona iyo warar xan ah
Barcelona ayaa suuqa soo dhigaysa shan ka mid ah xiddigaheeda marka uu furmo suuqa iibka ciyaartoyda ee bisha January, si ay uga badbaado in gebi ahaanba ay musalafto oo ay dhibaato weyn dhexda ka gasho.
Kooxda reer Spain ayaa laga sugayay in Khamiistii shalay ay shaaciso in £171 milyan oo Gini ay si degdeg ah uga dhintay kharashkeeda iyadoo hoos u dhigaysa mushaharka ciyaartoyda, laakiin arrintan oo ay ku guul-darraysatay inay ciyaartoyda kala heshiiso ayaa waxay dib ugu riixday go’aanka kama dambaysta ah toddobaadka…
N’Golo Kante Waxaa uu Bartey Xirfado Gebi Ahaan ka Duwan Kahor Inta Uusan Noqon Ciyaaryahan
Aad ayay u adag tahay in la rumayso, laakiin waa xaqiiqo ee meel ku qoro. N’Golo Kante ma hubin inuu noqon doono ciyaartoy weyn, kumana fikirayn inay sidani dhacayso oo uu xirfadle dunida laga yaqaano isku beddeli doono.
Laacibkan Muslimka ah ee ku guuleystay Koobka Adduunka, waxa uu tababarka la qaadan jiray koox yar oo xataa magaceeda aanad hore u maqal, balse saddex sannadood gudahood ayay wax waliba isku beddeleen.
N’Golo Kante waxa uu xirfaddiisa ciyaareed ka bilaabay kooxda JS Suresnes oo aad uga fog in…
ManUnited ‘waxay dhaadhicisay qiimaha ay ku dooneysay Paul Pogba, kaliya 53 milyan oo ginni’
Manchester United ayaa go’aan ka gaadhay mustaqbalka laacibkeeda khadka dhexe ee Paul Pogba oo ay diyaar u noqonayso inay iibiso xagaagan, waxaanay si weyn hoos ugu dhigtay qiimihiisa.’
Kubbad-sameeyaha reer France oo ah laacibka ugu qaalisan taariikhda Manchester United ayaa sannadkii ugu dambeeyey heshiiskiisu dhamaad ku dhow yahay, laakiin Red Devils ayaa dhowaan ku dhawaaqday inay dhaqan-gelisay sannad kale oo lagu kordhinayo qandaraaskiisa, sidaana uu u ogolaanayay heshiiskii ay kula soo wareegtay sannadkii 2016kii.…
“Xataa Pochettino Ma Xallin Karayo Dhibaatada Manchester
Mauricio Pochettino ma xallin doono dhibaatada ka taagan Manchester United haddii uu beddelo Ole Gunnar Solskjaer oo la sheegayo in shaqada laga caydhiyo, sidaa waxa rumaysan weeraryahankii hore ee kooxdaas ee Dimitar Berbatov.Solskjaer ayaa la rumaysan yahay in kulankiisa ugu dambeeya ee Manchester United uu laylinayo ay tahay ciyaarta Everton ee Sabtida oo haddii laga badiyo uu shanaddadiisa hore ka xidh-xidhan doono, waxaana arrintan soo dedejiyey labadii guul-darro ee isku xigay, uguna dambeeyey ee Arsenal iyo Istanbul…
Maxay Tahay Inkaarta Galaafatay Tababareyaashii Man United
Saddexdii tababare ee ka horreeyey Ole Gunnar Solskjaer ee David Moyes, Louis van Gaal iyo Jose Mourinho intaba waxay shaqadooda waayeen markii ay tageen Merseyside, isla markaana natiijadii ay ka keeneen ay si rasmi ah usoo afjartay waayahoodii Old Trafford, halkaas oo uu isaguna u safrayo Ole Gunnar Solskjaer xilli uu culays badan saaran yahay.David Moyes ayaa waayihiisa tababarenimo ee Manchester United uu kusoo dhamaaday garoonka Goodison Park maalin Axad ah oo ay taariikhdu ahayd April 20, 2014 kaddib markii ay Everton…
Man United Oo Go’aan Ka Gaartay Ceyrinta Tababare Ole Gunnar
Manchester United ayaa go’aan ku gaartay inaysan ceyrin doonin Ole Gunnar Solskjaer ka hor kulanka ay Red Devils la ciyaareyso Everton Sabtida inkastoo ay wadahadal kula jiraan tababare Mauricio Pochettino.Solskjaer ayaa cadaadis badan ku hoos jira iyadoo Man United ay si xun ku bilaabatay xilli ciyaareedka horyaalka iyagoo laga badiyay seddex ka mid ah lixdii kulan ee ay ciyaareen waxayna ku jiraan kaalinta 15aad.Champions League ayaa aheyd meesha kaliya ay niyada ku dhisanayeen Man United ka hor habeenkii Arbacada…
Arsenal Oo Guul Soo Laabasho Ah Ka Gaartay, 21 Jir Noqday
Arsenal ayaa dabacsanaan muujisay bilowgii ciyaarta iyagoo lagu ciqaabay weerarkii ugu horeeyay, Martion Ellingsen ayaa ka dhaliyay goolkiisii labaad ee abid uu ka dhaliyo Yurub daqiiqadii 22aad iyadoo kooxda reer Norway ay si lama filaan ah ku qabatay hogaanka ciyaarta.Molde ayaa u muuqatay mid ceshaneysay hogaankeeda ilaa iyo Kristoffer Haugen uu shabaqa iska soo taabtay dhamaadkii qeybta hore ee ciyaarta,Gool kale oo ay iska dhaliyeen kooxda reer Norway ayaa hogaanka u dhiibtay Arsenal iyadoo daqiiqadii 62aad uu goolka…