Browsing Category

Sports

Wararka Ciyaaraha | Sport. Firstly, your best sports source, From, the expert view you can trust.

Kooxda Horyaalka Qaaday Inter Milan Oo Rikoodh-yo Ku Soo Xirtay Xilli

Inter Milan ayaa xilli ciyaareedkeeda soo gabagabeysay iyagoo dhigay dhowr rikoodh ka dib markii ay ku dhameysteen 91 dhibcood horyaalka Serie A iyagoo sidoo kale garaacay koox walba oo horyaalka ah ugu yaraan hal jeer.Nerazzurri ayaa xaqiijisatay hanashada horyaalka 2dii bishaan Maajo, laakiin xilli ciyaareedkooda ayaa soo gabagabeeyeen galabta iyagoo 5-1 ku xaaqay kooxda Udinese oo marti ugu aheyd garoonka San Siro.Natiijadaan ayaa u ogolaatay inay gaaraan 91 dhibcood, waana dhibcahoodii ugu badnaa taariikhdooda ka dib…

Farriintii Uu Neymar U Diray Luis Suarez Markii Uu Atletico Kula

Garabka weerar ee kooxda Paris Saint-Germain ee Neymar Jr ayaa fariin u diray saaxiibkiisii hore ee Barcelona ee Luis Suarez oo xalay horyaalka La Liga kula guuleystay Atletico Madrid oo uu xilli ciyaareedkiisii koowaad ku qaadanayo.Neymar ayuu taabtay muuqaalka laga duubay Suarez oo ooyaya kaddib markii uu La Liga hantay, xidhiidhkii kaga dhaxeeyay Barcelona ayaa ah mid wali halkiisa taagan walow ay labadooduba ka tageen Camp Nou.Suarez ayaa kasoo caawiyay Atletic inay jabiso tartanka laba farasalaha ah ee horyaalka La Liga…

Shaxaha Rasmiga Ah Ee Kulamada Man City vs Everton, Wolves vs Man

Kooxaha Manchester City, Manchester United iyo Arsenal ayaa si lamid ah dhammaan 17-ka kooxood ee kale caawa soo xidhaya xilli ciyaareedka 2020-21 iyagoo la kala ciyaaraya Everton, Wolves iyo Brighton sida ay u kala horreeyaan.Man City ayaan wax dan ah oo weyn lahayn balse ku dadaali doonta inay guul ugu dabaaldegto horyaalka ay hanatay, Man United ayaa kulanka Wolves ka fikiraysa Final-ka Europa League ee ay Arbaca ciyaarayaan halka Arsenal ay doonayso guul ay gaadho iyo kooxaha ka sarreeya oo silbada si ay Europa League…

Shaxaha Rasmiga Ah Ee Kulamada Liverpool vs Crystal Palace, Leicester

Saddexda kooxood ee kala ah Chelsea, Liverpool iyo Leicester City ayaa caawa si buuxda ugu kala calaf-qaadaya kaalmaha saddexaad iyo afraad ee Champions League loogu soo baxo iyaga oo la kala ciyaaraya saddexda kooxood ee kala ah Aston Villa, Crystal Palace iyo Tottenham sida ay u kala horreeyaan.Chelsea ayaa hadda booska saddexaad ku jirta waxaana ay marti u tahay Villa, Liverpool iyo Leicester ayaa isku dhibco ah balse Reds ayaa 4 gool dheer iyadoo Liverpool ay Palace Anfield ku qaabilayso halka Leicester ay Tottenham King…

Kuma Biirayo!! – Xiddig Weyn Oo Ka Dhaartay Inuu Barcelona Ku Biiro

Weeraryahanka kooxda Lyon iyo xulka qaranka Netherlands ee Memphis Depay ayaa lagu soo warramayaa inuusan ku biiri doonin kooxda Barcelona haddii uu ka baxo tababare Ronald Koeman.Depay ayay dalka Holland kasoo wada jeedaan Koeman waxaana ay kasoo wada shaqeeyeen mudo xulka Netherlands iyaga oo halkaas si fiican iskugu garanaya.Hore ayuu tababare Koeman u sheegay sida uu u doonayo saxeexa Depay isaga oo xusay in awooda jidh ahaaneed ee xiddiga Lyon ay tahay waxa ka maqan weeraryahanada kooxdiisa Barcelona.Depay ayuu…

XASAASI: FA-ga Oo Ka Hadlay Haddiiba Ay Dhibco Ka Jarayaan Chelsea Oo

Xidhiidhka kubadda cagta England ee FA-ga ayaa lagu soo warramayaa inay dafireen wararka sheegaya inay kooxda ree London ee Chelsea ka jarayaan dhibco oo ay ku sababi doonaan inay ka hadho Champions League xilli ciyaareedka dambe. FA-ga ayaa dacwad ku oogay Chelsea kaddib markii ay ku fashilantay inay xakamayso xiddigaha kooxdeeda oo la dagaalamay dhigooda Leicester City kulankii labada kooxood dhex maray iyadoo Foxes qudhooda lagu dacweeyay doorkoodii. Xiddigaha Foxes iyo Blues iyo waliba shaqaalaha labada kooxood…

Man United Oo Qarka U Saaran Inay Heshiis Cusub Ka Saxeexato Bruno

Kubad sameeyaha kooxda Manchester United ee Bruno Fernandes ayaa ku dhaw inuu kooxdaas u saxeexo heshiis cusub oo uu mushahar ahaan toddobaadkii 200,000 oo pound ku qaadanayo.Wakiilka 26 sano jirkaas ee Miguel Pinto ayaa horraantii toddobaadkan soo gaadhay magaalada Manchester si uu qoddobo cusub iyo heshiis cusub oo mushahar ah laba jibaarka midkiisii hore ugala hadlo madaxda Man United sida uu sheegay wargeyska The Mirror.Fernandes ayaa ahaa mid si weyn wax ugu taray United tan iyo markii uu kusoo biiray January 2020 isaga…

GEERI Ka Dhacday Xafladii Dabaaldega Atletico Madrid Ee Xalay &

Dhacdo argagax leh ayaa xalay ka dhacday badhtamaha magaalada Madrid intii ay socdeen dabaaldegyadii hanashada horyaalka La Liga ee kooxda Atletico Madrid.Kumanaan taageerayaal ah ayaa iskugu soo baxay banaanka caasimada Spain kaddib markii ay kooxdoodu guul 2-1 ah kasoo gaadhay Real Valladolid iyaga oo si rasmi ah ugu guuleystay horyaalka.Dabaaldegaas ayuu ku geeriyooday wiil yar oo 14 sano jir ah oo kamid ahaa mucaashaqiinta Rojiblancos, sida uu sheegayo wargeyska El Pais, taageerahaas da’yarka ah ayaa saarnaa gaadhi…

“Man United La’aanta Harry Kane Horyaalka Way Ku Guuleysan Kartaa

Tababare Ole Gunnar Solskjaer kuma farxi doono haddii uu Harry Kane ku biiro koox kale oo ay horyaalka ku xifaaltamayaan balse Man United wali way ku guuleysan kartaa horyaalka la’aantii sida uu qabo xiddigii hore ee kooxdaas ee Owen Hargreaves.Hargreaves ayaa qaba in Man United ay u baahantahay saxeexyada garab midig, khad dhexe oo bur-buriye ah iyo daafac dhexe si ay horyaalka ugula loolamaan Man City.Man United, City iyo Chelsea ayaa ah saddexda kooxood ee la filayo inay isku dayaan saxeexa Harry Kane kaddib markii uu u…

DAAWO: Erling Haaland Oo Dhacdo Bini-Aadanimo Oo Aan Hore Uga Dhicin

Da’yarka weerarka dhexe ee kooxda Borussia Dortmund ee Erling Braut Haaland ayaa shalay sameeyay dhacdo aan hore loogu arag kubadda cagta kaddib markii uu garanka ka bedeshay garsoorihii ciyaartii dhex martay Bayer Leverkusen.Xiddiga ree Norway ayaa laba gool kasoo dhaliyay ciyaar ay 3-1 uga adkaadeen Bayer Leverkusen iyadoo daafaca mudada dheer usoo ciyaarayay Dortmund ee Lucasz Piszczek uu ciyaaray kulankiisii ugu dambeyay ee kooxda.Erling ayaa laba gool oo uu kulankaas kasoo dhaliyay ku gaadhay 41 gool xilli ciyaareedkan…