AKHRISO Yaabkan – Xiddig YAHUUDI Ah Oo Ay Khaati Ka Taagan Yihiin

Xiddigaha Manchester United ee Amad Diallo Traore iyo Paul Labile Pogba ayaa garoonka Outdated Trafford dhex qaatay calanka walaalaha dhibaataysan ee Falastiin kaddib bar-bardhacii ay lasoo galeen Fulham xalay.

Pogba ayaa muuqaal laga duubay markii uu mid kamida jamaahiirta garoonka ka qaadanayay calanka, si kastaba calankaas ayuu midka Israel u bedelay weeraryahanka kooxda PSV ee Eran Zahavi.

Eran Zahavi ayaa u muuqda mid kadeedaya xiddigaha taageerada u muujiya Falastiin maadaama oo uu sidaas oo kale ku sameeyay xiddigaha Leicester Metropolis ee Wesley Fofana iyo Hamza Choudhary.

Zahavi oo u muuqda mid aysan kaba qasnayn ayaa Pogba iyo Diallo iyo waliba Hamza iyo Fofana sawiraddii lagaga qaaday calanka Falastiin u bedelay calanka Israel isaga oo qoraal ugaga mahadceliyay inay dalkiisa Israel taageereen.

Halkan Hoose Ka Daawo Sawirada Uu Zahavi Bedelay

 

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More