Browsing Category

Sports

Wararka Ciyaaraha | Sport. Firstly, your best sports source, From, the expert view you can trust.

LAMA FILAAN: Labada Tababare Ee Uu Sir Alex Ferguson U Doortay Kuwa Uu

Tababaraha halyeeyga ah ee kooxda Manchester United ee Sir Alex Ferguson ayaa doortay laba tababare oo lama filaan ah markii la weydiiyay labada macalin ee shaqo isaga cajab galisay soo qabtay sanadahan ugu dambeeyay.Arrinta yaabka leh ayaa ah in labada tababare ee uu Sir Alex wada doortay ay labaduba kooxahooda kala dhaadhaceen Premier League sanadihii ugu dambeeyay.Ferguson ayaa ah tababaraha ugu guulaha badan taariikhda Premier League kaddib 13 horyaal oo uu kula soo guuleystay Manchester isaga oo min 10 horyaal dheer…

Waa Sidee Xaalada Dhaawac Ee Goolhayaha Chelsea Ee Mendy Miyuuse Gabi

Kooxda Chelsea iyo tababaraheeda Thomas Tuchel ayaa wer-wer xoogan ka qaba xaalada dhaawac ee goolhaye Edouard Mendy kaas oo bedel kaga baxay kulankii ay guuldarrada 2-1 ka ah shalay kala soo kulmeen Aston Villa.Mendy ayaa ku qasbanaaday inuu dhaawac kaga baxo ciyaartaas wakhtigii nasashada kaddib markii uu isku dayay inuu badbaadiyo goolkii furitaanka ee Bertrand Traore balse uu taas bedelkeeda birta goolka jiidhay.Mendy ayaa maanta mari doona tijaabo lagaga samaynayo feedhaha si loogu ogaado heerka uu gaadhsiisan yahay…

TAARIIKH: Cristiano Ronaldo Oo Rekoodh Aan Abid Cidi Uga Horreyn Xalay

Hoggaamiyaha kooxda Juventus ee Cristiano Ronaldo ayaan xalay kahor tagin kooxda Bologna balse haddana rekoodh cajiib ah kala baxay garoonka ciyaartaas kaddib.Juve ayaa guul weyn oo 4-1 ah kasoo gaadhay Bologna kaddib goolal ay ka heshay Chiesa, Rabiot iyo Morata oo laba jeer shabaqa taabtay iyaga oo sidaas ku xaqiiqsaday ka qayb-galka Champions League ee xilli ciyaareedka dambe.36 sano jirka ree Portugal ayaa bedel aan la adeegsan ka ahaa kulankaas ay Juve booska Champions League kala baxday Napoli oo bar-bardhac la gashay…

Tuchel Oo Dalbaday Kane, Arsenal Oo Ku Dhegtay Odegaard, Wijnaldum Oo

Suuqa iibka ciyaartoyda ee xagaaga ayaa furmi doona horraanta bisha June ee foodda innagu soo hayso, waxaana haddaba lasii helayaa xogta xiddigaha ay kooxaha waaweyn isku dayi doonaan in ay lasoo saxeexdaan.Wargeysyada waaweyn ee Yurub ayaa si joogto ah usoo bandhiga wada-hadallada, qorsheyaasha iyo xanta suuqa, waxaana maanta oo Isniin ah qodobbadii ugu waaweynaa ee ay qoreen ka mid ahaa:Manchester United ayaa qiimaynaysa xaaladda xiddiga reer Portugal ee Cristiano Ronaldo oo la sheegayo in ay suurtogal tahay in uu ka…

DAAWO: Ila Raadiya, Ii Raadiya! Xiddigii Arsenal Ee Ilkuhu Ka Daateen

Garoonka dhexdiisa ayuu soo galay isagoo marba meel ku foorsanaya, waxa uu raadinayay ilig ka dhacay waqtigii ay kooxdiisu sagootinta u samaynaysay difaaca reer Brazil ee David Luiz kulankii ugu dambeeyey horyaalka Premier League ee xilli ciyaareedkii Axaddii shalay lasoo xidhay.Waxa la arkayay isagoo wali foorara laakiin ay ciyaartooyo kale ku qoslayaa maadaama afkiisu bannaan yahay oo uu ka dhacay ilig, lamana sheegin in uu helay iyo in kale.Difaaca reer Brazil ee Gabriel Magalhaez ayay afka lagaga dhuftay gacanta waqtigii…

Paul Scholes Oo Magacaabay Labada Xiddig Oo Ay Waajib Tahay In Man

Manchester United waa in ay samayso laba saxeex oo ay kusoo kordhiso safka tababare Ole Gunnar Solskjaer si ay usoo qaban karto Manchester City oo horyaalka ku guuleysato sida uu sheegay halyeygii kooxdaas ee Paul Scholes.Red Devils ayaa culays badan saaran yahay, iyadoo taageereyaashu ay ku mudaharaadsan yihiin mulkiileyaasha qoyska reer Glazer oo ay ka dalbanayaan in ay kooxda iibiyaan, laakiin waxay qoyskani doonayaan in ay mudaharaadka jamaahiirta  iskaga aamusiiyaan saxeexyo iyo xiddigo ay kooxda keenaan…

“Waxa Uu Tegayaa Koox Qalbigayga Ku Weyn…” – Pep Guardiola Oo

Tababaraha Manchester City ee Pep Guardiola ayaa shaaciyey kooxda uu Sergio Aguero u wareegayo, kaddib sagootintii iyo macasalaamayntii ay shalay ugu sameeyeen garoonka Etihad Stadium oo uu laba gool kusii dhaliyey kulankii ay 5-0 ku xasuuqeen Everton.Man City ayaa xilli ciyaareedka kusoo xidhatay guul ay ugu dabbaal-degtay hanashada horyaalka Premier League, waxaanay taasi sagootintii ugu qiimaha badnayd u noqotay Sergio Aguero oo kulankii ugu dambeeyey ee Premier League ah u saftay kooxdaas oo uu muddo 11 sannadood ah u…

QIIMAYN: 50ka Weeraryahan Ee Ugu Wanaagsanaa Taariikhda Premier League

Halyeygii Arsenal ee Thierry Henry ayaa loo magacaabay weeraryahankii ugu wanaagsanaa taariikhda horyaalka waddanka Ingiriiska ee Premier League, waxaana uu ka horreeyaa halyeygii Newcastle iyo xulka qaranka England ee Alan Shearar.Henry oo ay da’diisu tahay 43 jir ayaa ka mid ahaa ciyaartoydii ugu fiicnaa ee qarniga 21aad ee afka hore ee weerarka, waxaana uu dhowaan ka mid noqday xiddigaha la geliyey ‘Premier League Hall of Fame’ oo hadda la sameeyey, isla markaana lagu ururinayo ciyaaryahannadii ugu wanaagsanaa, waxaanay…

Isku-aadka Champions League Ee Xilli-ciyaareedka Dambe Iyo Kooxaha

Isku-aadka tartanka Champions League ee xilli ciyaareedka dambe  ayaa durba qish laga sii helayaa kaddib markii ay soo dhamaadeen xilli ciyaareedyada horyaallada qaaradda Yurub oo Axaddii lasoo gunaanaday.Liverpool ayaa ku jirta dhalada/quraaradda (Pot) 2, inkasta oo ay ku dhamaysatay kaalinta saddexaad ee  horyaalka Premier League, waxaanay ka badbaadday in ay soo gasho dhalada/quraadda 3aad, taas  oo ku beegi lahayd laba kooxood oo kale oo waaweyn oo ay isku group noqon lahaayeen tartanka Champions League ee xilli…

RASMI: Napoli Oo Qaabkii Ugu Xumaa Shaqada Uga Caydhisay Tababare

Kooxda kubadda cagta Napoli ayaa shaqada ka eriday tababaraheedii Gennaro Gattuso kaddib barbarro 1-1 ah oo ay xalay la galeen Hellas Verona, taas oo sababtay in ay ka hadhaan tartanka Champions League oo ay kaalinta shanaad kaga dhamaystaan horyaalka Serie A.Napoli ayaa kaliya u baahnayd in ay guuleysato si ay ugu dhamaysato kaalinta afraad oo ay uga qayb-geli karto tartanka Champions League ee xilli ciyaareedka dambe, laakiin waxay la  kulmeen barbarro niyad-jab ah, taas oo fursad siisay Juventus oo booska afraad soo…