Muxuu Sameeyey N’Golo Kante Kaddib Dhaawacii Lagaga Saaray Garoonka,

Tababaraha Chelsea ee Thomas Tuchel ayaa uu walaac soo food-saaray kaddib markii uu xalay dhaawac soo gaadhay xiddiga khadka dhexe ee N’Golo Kante oo ka baxay garoonka qaybtii hore.

Dhaawaca N’Golo Kante ayaa imanaya 10 maalmood ka hor ciyaarta finalka Champions League ee Chelsea iyo Manchester Metropolis, taas oo Tuchel ay adag tahay in uu ka maarmi karo laacibkan haddii uu ka maqnaado ciyaaartaas.

Wali waa waqti hore oo Chelsea baadhitaan buuxa kumay samaynin dhaawaca N’Golo Kante, laakiin tilmaamihii laga arkay markii uu garoonka ka baxayay ayaa ahaa kuwo aan wanaagsanayn.

N’Golo Kante oo baxay daqiiqaddii 32aad ee qaybta hore, waxa lagu soo beddelay Mateo Kovacic oo garoomada ka maqnaa  tan iyo kulankii Crystal Palace ay kaga badisay 4-1 ee bishii hore.

Kante ayaa isaguna dhowaan uun kasoo laabtay dhaawac muruqa ah oo uu ku seegay ciyaartii Arsenal ay 1-0 kaga badisay toddobaad ka hor, waxaana uu ciyaaray kulankii Finalka, iyadoo uu Tuchel waqtigaas ku sheegay in uu dareemayay xanuun.

“Go’aan wada-jir ah ayaanu ku gaadhnay in aanu ka tagno kulankii Arsenal, daaweyna lavatory sameeyo isaga. Waxa lala tacaalayay xanuun, laakiin dhaawac ma ahayn.” Ayuu yidhi Tuchel waqtigaas.

Haddaba muxuu sameeyey markii ay soo dhamaatay ciyaartii xalay?

N’Golo Kante ayay kalmado kooban laynka garoonka isku weydaarsadeen tababare Thomas Tuchel, waxaana uu si toos ah uga baxay garoonka isagoon ku leexanin kursiga kaydka ee ay fadhiyeen ciyaartoyda kooxdu, waxaana la rumaysan yahay in isla xalayba uu tegay dhakhtar hubiya xaaladdiisa.

Muxuu Tuchel ka yidhi dhaawaca N’Golo Kante, miyuu se ka maqnaan doonaa finalka Champions League?

Markii ay soo dhamaatay ciyaartii xalay, tababare Thomas Tuchel ayaa warbaahinta la hadlay, waxaana uu yidhi: “N’Golo ma dhaawacna. Isaga ayaa ii sheegay, aniguna si fiican ayaan u fahmaa luuqadda Faransiiska – Waxa uu soo baxay ka hor intii aanu dhaawacmin. Muruqa ayuu xoogaa ka dareemay, waxaanu ka walwalay in uu dhaawac noqdo haddii uu sii ciyaaro.

“Waxa aan rajaynayaa in N’Golo soo laaban doono, sababtoo ah koox kale ayaanu nahay marka uu naga maqan yahay.”

Chelsea ayaa Axadda la ciyaari doonta Aston Villa  kulanka ugu dambeeya xilli ciyaareedkan, waxaanay u baahan yihiin in ay guuleystaan si ay kaalinta saddexaad ee horyaalka ugu dhamaysan karaan.

Laakiin kulanka mudnaanta weyn ay siinayaan ayaa ah finalka Champions League ee Might 29 ay waddanka Portugal kula ciyaari doonaan Manchester Metropolis.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More