Browsing Category

Sports

Wararka Ciyaaraha | Sport. Firstly, your best sports source, From, the expert view you can trust.

Ancelotti Oo Xiddigii Ka Dhaqaaqayay Everton Kasoo Qaadanaya, Arsenal

Weeraryahanka reer Ivory Coast ee Wilfried Zaha oo 28 jir ah ayaa u sheegay Crystal  Palace in uu doonayo in uu iskaga tago ka hor inta aanay kooxdu dib ugu soo laabanin tababarka ay ugu diyaar-garoobayso xilli ciyaareedka dambe. (Times)Tottenham ayaa qarka u saaran in ay tababaraheeda u magacowdo Antonio Conte, waxaana sidoo kale imanaya Fabio Paratici oo Juventus ka tegay oo noqonaya agaasimaha ciyaaraha ee kooxdaas. (TalkSports)Heshiiska Conte iyo Tottenham ayaa ku kacaya £15 milyan oo Gini oo mushahar ahaan uu u…

Iska Illow N’Golo Kante & Mason Mount, Arsene Wenger Oo Magacaabay

Tababarihii hore ee Arsenal ee Arsene Wenger ayaa shaaciyey xiddig ka tirsan Chelsea oo uu la yaabay wacdaraha uu samaynayo, kaas oo waqti horeba ay isaga u muuqatay in uu muujin doono qaab ciyaareed wanaagsan.Chelsea ayaa xagaagii hore lasoo saxeexatay Timo Werner, Kai Havertz, Hakim Ziyech iyo Edouard Mendy, kuwaas oo ay soo raaceen Thiago Silva iyo Malang Sarr oo isagu dib loogu diray amaah.Lacagta ugu qaalisanayd oo dhamayd £71 milyan oo Gini, waxay Chelsea kasoo bixisay Kai Havertz oo ay kala soo wareegtay Bayer…

Ronaldo, Kane, Lewandowski: Waa Kuma Xiddiga Ugu Cadcad Ee Ku

Toddobaad kaliya ayaa ka hadhay waqtiga uu bilaabmayo tartanka qaramada Yurub oo ay ku loollami doonaan 24 waddan, kuwaas oo ku kala ciyaari doona 11 magaalo oo ku kala yaalla waddamo kala duwan.Tartanka Euro ee sannadkan la qabanayo oo ah midkii baaqday xagaagii hore, isla markaana sita magaciisii hore ee Euro 2020 oo aan laga beddelin, ayaa waxa ku hirdami doona waddamo awood badan oo haysta ciyaartooyo aad u wanaagsan, waxaana illaa hadda ugu cadcad oo la saadaalinayaa Portugal, Belgium, England, France, Germany iyo…

Ceeb Ayaa Soo Socota! Fadeexadaha Gareth Southgate Ee Durba Bilaabmay

Taageereyaasha xulka qaranka England ayaa ka walaacsan xaaladda ciyaartoydooda iyadoo aanu wali bilaabmin tartanka qaramada Yurub ee Jimcaha soo socda la daah-furayo, waxaanay sababtu tahay go’aamada tababare Gareth Southgate ee dhimashada ah.Xulka qaranka England oo haysta ciyaartooyo badan oo ay waliba da’doodu yar tahay, waxa uu Gareth Southgate go’aansaday in uu liiskiisa ciyaartoydiisa uu kusoo daro Jordan Henderson oo muddo dhawr bilood ah u jiifay dhaawac, walina aan ciyaarin iyo Harry Maguire oo tan iyo horraantii…

Kylian Mbappe Oo Sharraxaad Ka Bixiyey Sababta Uu U Diiday Dalab Uu Ka

Xiddiga reer France ee Kylian Mbappe ayaa ka hadlay go’aankii uu ku diiday in uu ugu wareego Real Madrid markii ay da’diisu ahayd 14 jirka, xilligaas oo ay kooxda reer Spain doonaysay in ay la saxeexato.Kylian Mbappe oo hormood u ah ciyaartoyda ugu qiimaynta sarreeya kubadda waqtigan, ayuu heshiiskiisa  PSG ka hadhsan yahay sannad kaliya, waxaana jira warar sheegaya in uu doonayo in uu ka tago kooxdaas, iyadoo ay Real Madrid si weyn u raadinayso.Laacibkan ayaa la filayaa in uu qayb weyn ka qaato tartanka Euro 2020 oo uu kula…

Dhaawac Intee Le’eg Ayaa Soo Gaadhaya Rajadii Xulka Qaranka England Ee

Trent Alexander-Arnold ayaa laga saaray liiska xulka qaranka England ee ka qayb-gelaya tartanka Euro 2020 ee Jimcaha soo socda bilaabmaya kaddib markii uu dhaawac kasoo gaadhay ciyaar saaxiibtinimo oo ay ugu diyaar-garoobayeen tartankan oo Arbacadii ku martigeliyeen Austria.Xidhiidhka kubadda cagta England ayaa xaqiijiyey, in Trent Alexander-Arnold aanu qayb ka noqon doonin xulka qaranka England, dibna uu ugu noqonayo kooxdiisa si uu uga soo kabto dhaawacan oo uu garoomada kaga maqnaanayo afar illaa lix toddobaad, taas oo ka…

Manchester United Oo Lagu Garaacay Xiddigii Ay Sannadaha Badan

Manchester United ayaa candhuufteeda dib u liqday, waxaana si dhab ah loogaga adkaaday saxeexa xiddigii ay muddada badan raadinaysay ee Saul Niguez oo aanay marnaba qarsanin inay doonayaan in ay Old Trafford keento.Xiddiga reer Spain ee Saul ayaa waxa heshiis la gaadhay Bayern Munich oo bixinaysa £68 milyan oo Gini xagaagan, taas oo ay Atletico Madrid ogolaatay.Munich ayaa laacibkan aadka loo qiimeeyo, waxay u doonaysaa in uu u buuxiyo booskii uu banneeyey Thiago Alcantara oo xagaagii hore uga wareegay Liverpool, isla…

Chelsea Oo Qarka U Saaran Saxeexa Difaaca Bayern Munich Ee Uu Van Dijk

Kooxda kubadda cagta Chelsea ayaa ku dhow dhamaystirka saxeexa difaac uu amaan kula dul-dhacay Virgil van Dijk oo uu ku tilmaamay ‘mid aad u wanaagsan’, kaas oo Thomas Tuchel uu kasoo qafaalanayo Bayern Munich.Chelsea oo ku guuleysatay Champions League ayaa meelaha ay ka xooggan tahay waxa ka mid ah khadka dambe ee difaaca, laakiin Tuchel ayaan wali ku qanacsanayn heerka laacibiintiisa oo uu doonayo in uu sii horumariyo isagoo kusoo kordhinaya laacib kale oo tayadiisu sarrayso.Tababaraha reer Germany ayay dadka qaarkood usoo…

Cristiano Ronaldo Oo Maanta Go’aan Laga Gaadhayo Mustaqbalkiisa

Kooxda kubadda cagta Juventus ayaa maanta go’aan ka gaadhaysa mustaqbalka xiddiga reer Portugal ee Cristiano Ronaldo, kaas oo la rumaysan yahay in tababare Massimiliano Allegri aanu ugu jirin qorshaha.Warbaahinta ayaa xaqiijisay in maanta oo Khamiis ahayd ay Allegri iyo maamulka kooxdu shir ka yeesheen arrimaha suuqa ee kooxda oo uu liiska kaalinta ugu sarreeyo kaga jiro Cristiano Ronaldo iyo waxa laga yeelayo.Juventus oo toddobaadkii hore shaqada ka caydhisay Andrea Pirlo kaddib markii ay kaalinta afraad kaga dhamaysatay…

RASMI: UEFA Oo U Quus-goysay Waddanka Turkey Oo Hore Loogu Sasabay In

Xidhiidhka kubadda cagta Yurub ee UEFA ayaa shaacisay halka lagu ciyaari doono kulanka UEFA Super League ee Chelsea iyo Villarreal, kaas oo la filayay in laga beddelo Belfast oo hore loogu qoondeeyey, lana geynayo waddanka Turkey oo laga soo raray finalkii Champions League ee ay ahayd in lagu qabto magaalada Istanbul.Manchester City iyo Chelsea ayaa helay fursad loogu soo dhoweeyey kulankii finalka ee dhamaadka Sabtidii hore oo lagu qabtay Porto kaddib markii uu Ingiriisku liiska cas ku daray Turkey, taas oo keentay in laga…