Xiddig Ka Tirsan Tottenham Oo Shaaciyey In Tegayo & Kooxda Uu Ku
Tottenham Hotspur ayaanay sugnayn mustaqbalka xiddigo dhawr ah xilli ay kooxdaasi u degtay kaalinta toddobaad oo ay ka qayb-geli doonaan tartan aanay cidina doonayn in ay ciyaarto oo dhowaan la sameeyey, loona arko in uu yahay mid bahdilaad ku ah naadiyada waaweyn.
Weeraryahanka reer England ee Harry Kane ayaa ahaa ciyaartoyga ugu weyn ee hadal-hayntu ka taagnayd, isla markaana dhowaan bixiyey waraysi uu shaki ku geliyey mustaqbalkiisa, isla markaana ka farxiyey Manchester City iyo Manchester United.
Laakiin hadda waxa soo baxay ciyaartoy kale oo si cad u shaaciyey in uu iska tegayo, sidoo kalena magacaabay kooxda uu ku biiri doono xagaagan.
Difaaca midig ee reer Ivory Coast ee Serge Aurier ayaa ku dhawaaqay in uu doonayo in uu iskaga tago Tottenham oo uu usoo ciyaarayay tan iyo sannadkii 2017kii oo uu uga soo wareegay PSG.
28 jirkan ayaa Spurs u saftay 110 kulan, waxaanu u dhaliyey siddeed gool, laakiin hadda waxa uu hadda dareensan yahay in fursadda uu ka helayo iyo doorka laga siinayo safka koowaadba ay yar yihiin, taas darteedna uu doorbidayo inuu baxo.
Laacibkan oo qandaraaskiisa uu halo ka hadhsan yahay, ayaa tibaaxay in uu mar horeba kooxda la yeeshay wada-hadallo, ayna isla qaateen in uu tago, laakiin ma sheegin qaabka uu ku tegayo.
Kooxdiisii hore ee PSG oo uu u ciyaari jiray intii u dhaxaysay 2014 illaa 2017 ayaa uu sheegay in uu tegi doono.
Wargeyska kasoo baxa Faransiiska ee L’Equipe ayaa uu la hadlay Aurier, waxaanu yidhi: “Qof walba wuu ogyahay, in haddii aan doonayo ini qandaraaskayga Tottenham aan kordhiyo, in mar hore aan sidaa samayn lahaa. Ma saxeexi doono heshiis lixda bilood ee soo socda.
“Waxa aan gaadhay waqtigii lasoo dhamaynayay marxaladdaas, waana waqtigii aan fiirin lahaa meel kale. Labada dhinac, maamulka Tottenham iyo wakiilladaydu mar hore ayay heshiis ka gaadheen xaaladaha. Waynu arki doonaa.”
Intaas kaddib ayuu soo qaaday kooxda uu tegayo, waxaanu yidhi: “Marnaba maan qarin sida aan u doonayo in aan maalin uun ku laabto PSG. Waa kooxda qalbigayga ku jira, waa kooxda aan taageero iyo kooxda aan dareemo in aan si xor ah uga hadlo.