Maxaa Ka Jira In Pochettino Uu SHALAY Ku Wargeliyey PSG In Uu Iska
Tababaraha reer Argentina ee Mauricio Pochettino ayay warbaahinita Ingiriisku shalay sheegeen in uu ku wargeliyey PSG, in uu iskaga tegayo, xilli ay labada kooxood ee Real Madrid iyo Tottenham ay si weyn u doonayaan.
Warkan oo aanu shalay idinla wadaagnay, waxa hadda kasoo korodhay arrin kale oo kooxihii doonayay macallinkan aanay jeclaysan doonin.
Agaasimaha ciyaaraha PSG ee Leonardo ayaa hoos u dhigay wararka sheegaya in uu Pochettino ka tegayo kooxda reer France, isla markaana uu naadigiisa ku wargeliyey inuu tegayo.
Pochetino oo bishii January noqday tababaraha PSG kaddib markii ay shaqada ka caydhiyeen Thomas Tuchel ayaa kula guuleystay laba koob, laakiin waxa la dareemayaa in aanu ku faraxsanayn in uu joogo Parc des Princes.
Telefishanka Europe 1, ayaa xidhiidh la sameeyey Leonardo, waxaana la weydiiyey waxa ka jira in Pochettino uu tegayo, go’aankiisana uu kooxda u sheegay, waxaanu ku jawaabay: “Mauricio Pochettino wuxuu kula jiraa PSG qandaraas laba sannadood ah, anaguna waanu ku faraxsanahay.”
Si kastaba, Real Madrid ayaa la rumaysan yahay in ay tahay kooxda uu doonayo Pochettino in uu tago, taas oo labadii sannadood ee ugu dambeeyey ba lala xidhiidhinayay.
Real Madrid oo uu toddobaadkii hore iska casilay Zinedine Zidane ayaa tababare la’aan ah, waxaana xulashada koowaad kusoo baxay Pochettino kaddib markii uu Massimiliano Allegri oo si weyn loo hadal hayay in uu noqonayo tababaraha cusub ee Madrid uu ku laabtay kooxdiisii hore ee Juventus.
Hadalka kasoo yeedhay Leonardo ayaan meesha ka saarin, in Pochettino uu doonayo bixitaan, laakiin waxa laga fahmay in kooxda reer France ay ka go’an tahay in aanay u ogolaanin in ay fasaxaan.