XAASAASI: Pep Guardiola Oo Shaaciyey In Uu U Baahan Yahay Fasax & UK
Kaddib markii laga qaaday Champions League oo ay Chelsea kulankii ugu dambeeyey 1-0 ku garaacday, Pep Guardiola ayaa shaaciyey in uu u baahan yahay fasax, isagoo aan qayb ka noqonin ciyaartoyda iyo shaqaalaha tababarka ee dib ugu duulay Ingiriiska.
- Advertisement -
Guardiola oo Manchester City ay u magacowday tababaraheeda February 2016, ayaa waqtigaas qalinka ku duugay heshiis saddex sannadood ah iyadoo uu kooxdana hoggaamiyey xilli ciyaareedkii 2016-17, hase yeeshee mar kale ayuu heshiiskiisa cusboonaysiiyey.
Shanta sannadood ee uu joogay Etihad Stadium, waxa uu Pep Guardiola ku guuleystay saddex koob oo Premier League ah iyo koobab kale oo maxalli ah oo tiro badan, laakiin Chelsea ayaa ka hor joogsatay riyadiisii ahayd in uu kooxdan ka caawiyo tartanka Champions League.
Manchester City oo xilli ciyaareedkan ku guuleysatay horyaalka Premier League iyo Carabao Cup, ayaa uu Guardiola dareensan yahay in uu waqtig dheer uu xilli ciyaareedku socday, isla markaana aanu wax fasax ah helin markii uu dhamaaday xilli ciyaareedkii hore oo xilli dambe la dhamaystiray kaddib fayraska Korona oo afar bilood oo ka bilaabmayay bishii April ee sannadkii hore loo joojiyey.
Tan iyo bishii November oo uu bilaabmay xilli ciyaareedkan hadda soo dhamaaday, Pep Guardiola ayaa taagnaa laynka garoonka oo ciyaaro xidhiidh ah kooxdiisu ay lahayd si la mid ah naadiyada kale ee Premier League iyo kuwa horyaallada kale.
Markii ay soo dhamaatay ciyaartii finalka Champions League ee guul-darradu kasoo gaadhay, ciyaaryahannada Man City ayaa shalay oo Axad ahayd kasoo duulay waddanka Portugal ee kulankaasi ka dhacay, waxaanay ku laabteen magaalada Manchester.
Laakiin tababare Pep Guardiola ayaan isagu kusoo noqonin England, waxaana uu u duulay waddanka Spain oo uu qoyskiisa kula midoobayo.
Warbaahinta ayuu kula hadlay waddanka Portugal, waxaanu yidhi: “Waxa aan doonayaa in aan tago dalkayga oo aan waqti la qaato qoyskayga. Waqti dheer ayaa iigu dambaysay in aan arko. ”
Kaddib marka uu soo dhamaysto waqtiga fasaxa ee ciyaaryahannaduna ay ku maqan yihiin kulamada caalamiga ah, Pep Guardiola ayaa dib ugu soo laaban doona Manchester City, waxaana isagoo ka hadlaya uu yidhi: “Intaas kaddib, waxa aan ku laaban doonaa kooxda oo sannadaha soo socda noqon doonta kooxda ugu wanaagsan dunida.
“Waxa aan doonayaa in aan ciyaartoydayda ugu hambalyeeyo xilli ciyaareedka aan caadiga ahayn iyo kulanka ay ciyaareen Sabtidii.”‘