Karim Benzema Oo Markii U Horreysay Saxaafadda La Hadlay Isagoo Xidhan
Weeraryahanka reer France ee Karim Benzema ayaa qirtay, in si weyn ay niyad ahaan ugu dhaawacday fadeexaddii sababtay in laga caydhiyo xulka ee ‘cajaladii galmada ee laga duubay Valbuena’, waxaana laacibkani markii ugu horreysay horyimid warbaahinta isagoo ku labbisan dharka xulka qaranka.
33 jirkan ayuu tababare Didier Deschamps ka caydhiyey xulka qaranka sannadkii 2015, waxaase dib loogu soo celiyey toddobaad ka hor isagoo ka qayb-geli doona tartanka qaramada Yurub.
Laacibkan ayaa maanta la hadlay warbaahinta, waxaana bilowgiiba la weydiiyey sidii ay niyaddiisu ahayd muddadii uu xulka ka maqnaa, waxaanu ku jawaabay: “Marna maan joojin in aan aamino, in aan soo laabanayo, haddii aanan sidaas samayn lahayn maantaba halkan ma joogeen. Laakiin aad ayay ii niyad-jabisay {fadeexadda & ka maqnaanta xulka}, niyad ahaan aad ayay u adkayd.
“Waxa jiray caqabado badan, waxay ka mid tahay waayahayga, mar walba waan dagaallamayay, taas ayaana dib usoo celisay rajada. Waa lay abaal-mariyey.”
Karim Benzema waxa uu qirtay in uu ka qoomamoonayo sidii uu ugu lug yeeshay arrinta Valbuena oo uu isku dayay in uu dhex-dhexaadiyo budhcaddii cajaladda ka duubtay iyo Valbuena.
Isagoo hadalkiisa sii wata waxa uu yidhi: “Mar walba way jiraysaa qoomamo. Wixii dhacay way dhaceen, dibna looma soo celin karo. Waxase ugu muhiimsan waa waxa aad ka samaynayso garoonka kubadda cagta dhexdiisa, anigu waxa aan inta badan diiradda saaraa waxa aan kooxdayda u keeni karayo. Tan ayaa ah waxa aan ku fikirayo ee damacayga ah.”
Didier Deschamps ayaa hore u sheegay in ay wada-hadal yeesheen Benzema ka hor intii aanu kusoo celin xulka qaranka, laakiin waxa uu iska diiday in uu faahfaahiyo wixii ay ku hadleen.
Benzema ayaa la weydiiyey waxa uu ka odhanayo Deschamps oo hore uga eryay xulka laakiin shan sannadood iyo badh kaddib kusoo celiyey, waxaanu ku jawaabay: “Mar horeba waan u sheegay isaga. Maxaad iga doonaysaan in aan halkan idiinka sheego? Waad mahadsan tahay Didier.
“Hore ayaanu u wada-hadalnay sidii la sheegay. Aad ayaan ugu faraxsanahay in aan halkan joogo.”