Sergio Aguero Walaalkii Oo Dhulka La Gashay Pep Guardiola Kaddib
Walaalka la dhashay weeraryahanka Manchester City ee Sergio Aguero ayaa weerar ku qaaday tababare Pep Guardiola kaddib guul-darradii kooxdaas kasoo gaadhay finalka Champions League.
Mauricio del Castillo oo ay walaalo yihiin Sergio Aguero ayaa waxa uu ka cadhooday in walaalkii uu daqiiqadihii ugu dambeeyey soo galay kulankii finalka Champions League xilli ay kooxdaasi goolal u baahnayd iyo in sidoo kale uu laacibkan kaydku daashaday xilli ciyaareedkan markii uu kasoo laabtay dhaawaca.
Manchester City ayaa gool lagala hormaray daqiiqaddii 42aad ee dhamaadka qaybta hore, waxaana ka dhaliyey Kai Havertz oo kubbad qiimo leh ka helay Mason Mount, waxaana Pep Guardiola uu doorbiday in uu Gabriel Jesus beddel ku keeno daqiiqaddii 60aad markii uu dhaawacmay Kevin de Bruyne, halka Sergio Aguero uu soo galay xilli 13 daqiiqadood ka hadhsanaayeen dhamaadka ciyaarta.
Waqtigii koobnaa ee Aguero uu ku jiray garoonka, waxa uu sameeyey dhaqdhaqaaq badan iyadoo ay halis geliyeen goolka Chelsea si ka badan intii hore, laakiin umay suurtogelin in uu natiijada ciyaarta wax ka beddelo.
Mauricio del Castillo ayaa bartiisa Twitterka ku weeraray Pep Guardiola sababtoo ah go’aanka uu ku fadhiisiyey walaalkii oo ciyaartii ugu dambaysay horyaalka Premier League na uu waqti dambe soo geliyey inkasta oo uu laba gool dhaliyey.
Sergio Aguero ayuu walaalkii si degdeg ah u masaxay/tirtiray qoraalka uu ku baahiyey bartiisa Twitter-ka oo u dhignaa sidan: “Guardiola marnaba ma doonayn walaalkay tan iyo markii uu yimid City.”
Waxa la weydiiyey Mauricio del Castillo sababta uu qoraalkiisa u masaxay, waxaana uu qoraal kale ku yidhi: “Dad badan oo sumaysan, aad u badan.”
Qoraalkan dambe ayaa laga fahmay in lagu canaantay qaabka uu u hadlay xilli uu walaalkii ka tirsan yahay ciyaartoyda Manchester City ee murugaysan.