Browsing Category

Sports

Wararka Ciyaaraha | Sport. Firstly, your best sports source, From, the expert view you can trust.

Borussia Dortmund Oo Go’aamisay Qiimaha Ay Ku Iibinayso Erling Haaland

Manchester United, Chelsea iyo Chelsea oo ahaa saddexda kooxood ee Ingiriiska ah ee indhaha ku hayay weeraryahanka reer Norway ee Erling Haaland ayaa helay warkii ay sugayeen, kaddib markii ay kooxda Borussia Dortmund shaacisay qiimaha ay ku iibinayso xiddigeedan.Saddexda kooxood ee Premier League ee sare ku xusan oo lagu daray Real Madrid, Barcelona iyo PSG ayaan marnaba qarsanin sida ay u doonayaan in ay lasoo saxeexdaan dhaliyahan mucjisada ah ee isagoo 20 jir ah dunida qabsaday.Borussia Dortmund oo xiddigan £17 milyan oo…

Laf-dhabartii Xulka Qaranka Brazil Oo Korona Fayras Ku Dhacay &

Xidhiidhka kubadda cagta Spain ee RFEF ayaa shaaciyey in xiddig laf-dhabar u ah oo aanay sinaba uga maarmi karin uu gelayo Karantiil kaddib markii uu ku dhacay Fayraska Korona, taas  oo ka dhigan in uu seegi doono kulamada hore ee tartanka qaramada Yurub ee Jimcaha bilaabmaya.Kabtantanka Xulka qaranka Spain ee Sergio Busquets ayaa baadhitaan lagu sameeyey subaxnimadii Axaddii waxa lagu xaqiijiyey in uu qabo Fayraska Korona, waxaanay taasi keentay in laga shakiyo ciyaartoyda kale oo dhamaantood lagu sameeyo…

“Mbappe Wuxuu Joogayaa PSG, Waligayo Ma Iibin Doono, Bilaashna Kuma

Madaxweynaha kooxda kubadda cagta Paris Saint-Germain ee Nasser Al-Khelaifi ayaa ka hadlay mustaqbalka weeraryahanka reer France ee Kylian Mbappe oo la sheegayo in ay suurtogal tahay in uu xagaagan ka tago, laakiin Nasser Al-Khelaifi ayaa tilmaamay in aanu sinaba ku bixi doonin xiddigan oo uu sii joogi doono caasimadda Faransiiska.Qandaraaska Kylian Mbappe uu kula jiro PSG ayaa ku eg June 2022, taas oo ka dhigan in kaliya hal sano uu sii joogayo haddii aanu saxeexin heshiis kale, laakiin Real Madrid ayaa lala sii…

England Oo Guul Ka Gaartey Romania, Rashford Oo Soo Afjaray Rikoodhkii

Xulka qaranka England ayaa soo afjartay rikoodhkii murugada lahaa ee ka haystay Romania oo aanay ka badinin muddo 51 sannadood ah, waxaana ciyaar saaxiibtinimo oo ka dhacday magaalada Middlesbrough ay ku badiyeen 1-0. England oo isku diyaarinaysa tartanka qaramada Yurub ee Euro 2020 ee Jimcaha bilaabmaya waxay kulankii labaad oo saaxiibtinimo ku ballansatay Romania oo ay ugu dambaysay in ay ka adkaato intii uu socday Koobkii Adduunka ee 1970kii, waxaana la baxsaday Marcus Rashford oo beddel ku baxay, kana badbaadiyey in…

AKHRISO: Warqaddii Murugada Lahayd Ee Seid Visin Uu Sii Qoray Ka Hor

Seid Visin oo ku dhashay Itoobiya ayaa la siiyey qoys Talyaani ah oo u qaatay waddankooda xilli ay da’diisu aad u yarayd, waxaana uu halkaas  ka bilaabay ciyaaraha kubadda cagta isagoo waqtiyo kusoo qaatay kulliyadda AC Milan iyo Benevento, laakiin waxa uu ciyaaraha ka fadhiistay 2016 oo uu ku ekaaday waxbarashadiisa.Kaddib sannado cunsuriyad lagula kacayaya, Seid Visin ayaa is-dilay, waxaana shalay oo Sabti ahayd lagu aasay Talyaaniga.Ka hor intii aanu is-dilin, Seid Visin ayaa sii qoray warqad qiiro leh oo laga dul…

MURUGO: Xiddigii Itoobiya Ee AC Milan Oo Is-dilay, Meydkiisa Oo La

Da’yarkii sida xiddigta uga soo dhex-baxay AC Milan ee Seid Visin ayaa qudha iska jaray, meydkiisana la helay kaddib sannado faruuq, takoor iyo cunsuriyad lagu hayay.Seid Visin oo kasoo baxay kulliyadda da’yarta AC Milan, sidoo kalena kusoo dhex kacaamay naadiga Benevento, ayaa is-dilay iyadoo ay da’diisu ahayd 20 jir, waxaana maydkiisa laga helay gurigiisa ku yaalla Campania.Seid Visin ayaa ku dhashay waddanka Itoobiya oo ee uu asal ahaan kasoo jeedo, waxaana isagoo aad u da’yar loo qaaday waddanka Talyaaniga iyadoo ay soo…

Messi, Neymar Iyo Kabtannada Xulalka Latin America Oo Diiday Inay La

Madaxweynaha waddanka Brazil ee Jai Bolsonaro ayaa ku ceeboobay kulan uu ka dalbaday kabtannada xulalka qaramada Latin America ee ay hormoodka u yihiin Lionel Messi iyo Neymar, xilli uu halis ku jiro tartanka Copa America oo ay ciyaartoyda Brazil iyo kuwa kaleba diiddan yihiin in ay ciyaaraan.Bolsanaro ayaa dalbaday kulan uu la yeesho kabtannada waddamada, si uu iskugu dayo in uu ku qanciyo in ay joojiyaan diidmadooda ka dhanka ah ka qayb-galka tartanka Copa America.Xidhiidhka cagta CONMEBOL ayaa go’aansaday in waddamada…

Inter Milan Oo Shaaca Ka Qaadday Sababtii Rasmiga Ahayd Ee Antonio

Kooxda kubadda cagta Inter Milan ayaa daboolka ka qaadday khilaafkii sababay in tababare Antonio Conte uu ka tago shaqada maalmo kaddib markii ay ku guuleysteen horyaalka Talyaaniga ee Serie.Conte ayaa si lama filaan ah ugu dhawaaqay in uu ka tegay Inter Milan May 26, xilli ay ciyaartoyda iyo taageereyaashuba usii dabbaal-degayeen horyaalka tobanka sannadood kaddib ay hanteen.War-saxaafadeed waqtigaas ay Inter Milan soo saartay ayay ku sheegtay, in labada dhinac ay isla qaateen in la burburiyo heshiiskii u dhexeeyey, laakiin…

Waa Kuwan SHANTA Daafac Dhexe Ee Ay Barcelona Doonayso Inay Mid Ahaan

Madaxweyne Joan Laporta iyo guud ahaan maamulka Barcelona ayaa ahaa kuwo ilaa hadda aad ugu mashquulsan suuqa xagaaga, Sergio Aguero, Eric Garcia iyo Emerson Royal ayay durba la wareegeen.Sida uu hadda sheegayo wargeyska Mundo Deportivo, diirada Laporta ayaa markale qabsatay saxeexa daafac dhexe walow ay Garcia oo daafac dhexe ah la wareegeen dhawaan.Barcelona ayaa doonaysa saxeexa daafac dhexe maadaama oo ay u badantahay in Samuel Umtiti uu kooxda ka tagayo, ciyaaryahanka ku haboon ayaa noqon kara mid qiime ahaan macquul ah…

Maxay Tahay Sababta Uu Daafaca Dhexe Ee Leicester Ee Wesley Fofana U

Daafaca dhexe ee kooxda Leicester City ee Wesley Fofana ayaa ka hadlay sababtii uu u xidhay maaliyada kooxda Arsenal iyadoo sawir laga soo qaaday uu hadal hayn badan ka dhaliyay baraha bulshada.Daafaca French-ka ah ayaa kusoo raaxaystay xilli ciyaareedkiisii ugu horreeyay ee uu ku qaatay horyaalka Premier League, inaan lagu darin tartamayaasha abaalmarinta da’yarka sanadka ee horyaalka ayaa ahayd mid layaab leh.Fofana ayaa suuqii xagaaga ee 2020 Leicester heshiis 30 Milyan oo pound ah ugaga soo biiray dhinaca kooxda Saint…