Waatan Shaxda Cajiibka Ah Ee Ay Barcelona Doonayso Inay Xilli

Waxa la filayaa in shax Barcelona ah oo aad uga duwan midii hore ay tartan geli doonto xilli ciyaareedka dambe iyaga oo xagaagan suuqa dhaq-dhaqaaqyo waaweyn ka samaynaya isla markaana isku dayaya inay heshiis cusub ka saxeexdaan Lionel Messi.

Waxa la filayaa in tababare Ronald Koeman uu sii ahaan doono tababaraha kooxda, talaabadaas ayaa ah mid layaab leh balse sidoo kale fududayn doonta saxeexyada xiddigaha qaar ay kooxdu isha ku hayso.

Sergio Aguero ayaa kamid ah xiddigaha xilli horeba xaqiijiyay heshiiska ay Barcelona ugu soo biireen waxaana la filayaa inuu doorka No.9 heli doono halka Eric Garcia oo qudhiisu isla Man City xor kaga yimid uu isaguna kooxda koowaad kamid noqon doono.

Sidoo kale saxeexyada xiddigaha Dutch-ka ah ee Gini Wijnaldum iyo Memphis Depay ayaa aad u dhaw waxaana la filayaa in dhawaan la shaacin doono, sababtoo ah xaalada dhaqaale ee adag ee kooxda waxa ay isku dayaysaa inay la saxeexato xiddigo fiican oo bilaash lagu helayo.

Barcelona ayaan la filayn inay halkaas ku joogsato maadaama oo uu madaxweyne Joan Laporta shaaca ka qaadau inuu xagaagani yahay mid dhamaad u ah wakhti kooxda soo maray wakhti kalena u bilaabmi doono.

Wargeyska Sportsmail oo saadaaliyay shaxda kooxdu kusoo shirtagayso xilli ciyaareedka dambe ayaa ah mid uu goolhaye Marc Andre Ter Stegen booskiisa goolka markale xaqiiqsaday.

Afarda daafac ee shaxda ayaa ah Dest oo la filayo inuu saxeexa cusub ee Emerson booskiisa ka difaacdo, Gerard Pique iyo Garcia oo daafaca dhexe ah iyo Jordi Alba oo daafaca bidix ah.

Bur-buriyaha shaxdan ayaa ah Frankie De Jong taas oo meesha ka saaraysa Sergio Busquets waxaana la midaysnaan doona Pedri iyo Wijnaldum.

Saddexleyda weerar ee xulashadan ayaa ah Memphis Depay iyo Lionel Messi oo garbaha ah iyo Sergio Aguero oo ay weerarka dhexe ku caawin doonaan taas oo meesha ka saartay Ousmane Dembele, Antoine Greizmann iyo Martin Braithwaite.

 

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More