YAAB: Aabaha Sergio Aguero Oo Jawaab Hadal Hayn Badan Dhalisay Bixiyay
Aabaha Sergio Aguero ayaa ku eedeeyay tababare Pep Guarddiola inuu oohin beena u ooyay wiilkiisa kulankii sagootinta weeraryahankaas ee Manchester City ka dhacay ciyaartii ugu dambaysay Premier League xilli ciyaareedkan.
Walaalka Aguero ee Mauricio ayaa sidoo kale Aguero ku eedeeyay dhawaan inuusan ahayn mid marnaba doonayay inuu kooxda ku haysto isaga oo kaga hadlay qoraal Twitter ah oo uu markii dambe tir-tiray.
Markale aabaha Aguero oo lagu magacaabo Leonel ayaa eedayn dusha ka saaray Guardiola kaddib markii uu 33 sano jirka uu waalidka u yahay dhammaystiray heshiiska uu Barcelona ugu biirayay dhawaan.
Leonel oo sidoo kale ah wakiilka wiilkiisa ayaa dhinaca kale sheegay in kooxaha ree London ee Arsenal iyo Chelsea ay doonayeen saxeexa Aguero kahor intii uusan dhammaystirin heshiiskiisa Barca.
Guardiola ayaa la xasuustaa inuu ilmeeyay kaddib markii uu Aguero keydka kasoo kacay laba goolna kasoo dhaliyay Everton kulankiisii ugu dambeeyay ee horyaalka isaga oo ku sifeeyay shaqsi khaas ah oo aan la bedeli karin.
Aabaha Sergio oo uu raadiyaha La Red weydiiyay haddii uu ku qiirooday oohintii Guardiola ee wiilkiisa ayaa ku jawaabay “Maya, anigu ma aaminsani, isagu marnaba daacad uma ahayn wiilkayga, isagu marnaba muu doonayn aragtidayda”