GO’AAN: Carlo Ancelotti Oo Go’aan Cad Ka Qaatay Mustaqbalka Martin
Kooxda Arsenal ayaa u muuqata mid ay haleeshay dhibaato dhinaca suuqa kala iibsiga ahi kaddib markii ay soo baxeen warar sheegaya in tababaraha cusub ee kooxda Real Madrid ee Carlo Ancelotti uu kooxda ka doonayo Martin Odegaard.
Xiddiga Norwegian-ka ah ayaa qaybtii dambe ee xilli ciyaareedkii hore ku qaatay Arsenal isaga oo wacdarro soo dhigay mudada gaaban ee uu Emirates Stadium kasoo ciyaarayay.
Arsenal ayaa ahayd mid ay ka go’antahay inay rasmi ka dhigto saxeexa Odegaard isla markaana ku rajo weynayd in Ancelotti uusan ka dhex arki doonin mustaqbalkiisa kooxda.
Laakiin sida uu sheegayo wargeyska ree Spain ee ABC, xaalada ayaan ahayn sida ay Arsenal ku rajo weynayd waxaana uu Ancelotti xiisaynayaa inuu Odegaard siiyo fursad uu kooxda kaga soo dhalaalo.
Walow uu Ancelotti doonayo inuu kooxda ka diro xiddigaha qaar aan wax muhiimad ah u lahayn haddana Odegaard ayaan qayb ka ahayn.
Ancelotti ayaa magaca Odegaard ku xusay shirkiisii jaraa’id ee ugu horreeyay markii dib loogu magacaabay xilka kooxda isaga oo ka hadlayay in kooxdu ay Semi Final-ka Champions League gaadhay la’aanta xiddigaha amaahda kaga maqan ee uu Odegaard kamid ahaa.