RASMI: Liverpool Oo Ku Dhawaaqday Xiddiga Ku Guuleystay Goolkii

Kooxda kubadda cagta Liverpool ayaa shaacisay xiddiga ku guuleystay abaal-marinta goolkii ugu wanaagsanaa ee ay kooxdaasi dhaliso xilli ciyaareedkan, kaas oo ay ku tartameen labada Mohamed Salah iyo Alisson Becker.

Goolhayaha reer Brazil ee Alisson ayaa ku garaacay Mohamed Salah iyo Rinsola Babajide goolkii ugu qurux badnaa ee xilli ciyaareedkii 2020/21 ee dhowaanta dhamaaday.

Alisson ayaa madax ku dhaliyey kubbad koorne ahayd daqiiqaddii ugu dambaysay ee kulankii West Bromwich Albion ee xilli ciyaareedkan, kaas oo ay rajada kooxdiisu ku xidhnayd oo haddii laga badin lahaa ay ka hadhi lahaayeen tartanka Champions League ee xilli ciyaareedka dambe amaba ay rajadoodu xumaan lahayd.

Ciyaarta oo maryasa 1-1 ayuu daqiiqaddii 94aad, waxa uu Alisson madax ku qabtay kubbad uu soo laaday Alexandere-Arnold, waxaanu daba-mariyey goolhaye Sam Johnstone oo dedaal badan sameeyey kulankaas.

Alisson ayaa noqday goolhayihii lixaad ee taariikhda Premier League gool ka dhaliya iyo goolkii ugu horreeyey ee Liverpool uu abid u dhaliyo goolhaye.

Goolka sannadkaee Liverpool ayay u tartameen lix gool oo uu dhaliyey Mohamed Salah, mid uu dhaliyey Trent Alexander-Arnold iyo laacibiinta da’yarta ee Mateusz Musialowski iyo xiddigta kooxda dumarka Liverpool ee Rinsola Babajide oo asal ahaan kasoo jeedda Nigeria laakiin u ciyaarta xulka qaranka England.

Dhamaan lixda gool ee Mohamed Salah iyo kuwa kale ee tartanak ku jiray, waxa laga doorbiday oo ka guuleystay goolkii uu Alisson Becker madaxa kaga  dhaliyey West Brom.