SADDEX Xiddig Oo Isku Weydaaranaya Real, PSG & Juve, Laba Ciyaartoy Oo

Real Madrid ayaa lasoo saxeexanaysa weeraryahanka reer France ee Kylian Mbappe oo 22 jir ah, waxaanay PSG booskiisa ku biixn doontaa Cristaino Ronaldo oo 36 jir, ayna ka qaadan doonto Juventus, taas oo iyadana la siin doono Mauro Icardi oo 28 jir ah oo ku laaban doona Talyaaniga. (Lacazette)

Real Madrid ayaa la xidhiidhay Jose Mourinho toddobaadkii tegay ka ho rintii aanay magacaabin Carlo Ancelotti. Mourinho oo dhowaan qandaraas u saxeexay Roma ayaa iska diiday in uu ku laabto Madrid. (Telegraph)

Rajadii Chelsea ee ahayd in ay dib ula soo saxeexato Romelu Lukaku ayaa dhaawac weyni soo gaadhay kaddib markii uu 28 jirkan reer Blegium sheegay in uu sii joogayo Inter Milan. (Football Italia)

Barcelona waxay wali wada-hadallo kula jirtaa weeraryahanka reer Netherlands ee Memphis Depay oo 27 jir ah, kaas oo si xor ah ay ugala soo wareegayso Lyon, halka Georginio Wijnaldum uu Camp Nou ka degayo. (Fabrizio Romano)

Manchester  City ayaa iibinayso laacibka reer Portugal ee Bernardo Silva oo 26 jir ah, waxaana lacagta laga helo ay qayb ka noqon doontaa dibu-dhiska kooxda ee xagaagan. (Telegraph)

Michy Batshuayi ayaa rajaynaya in uu si rasmi ah uga tegi doono Chelsea xagaagan, waxaana doonaya kala-badh kooxaha Premier League oo xiisaynaya adeegga ciyaareed ee 27 jirkan. (Football.London)

Goolhayaha Liverpool ee Adrian ayaa u dhow in uu saxeexo heshiis cusub oo sannad ah oo uu qandaraaska ugu kordhinayo Reds. 34 jirkan ayaa waxa uu dalab ka haystay kooxda reer Spain ee Real Betis. (Mail)

Manchester United waxay cusboonaysiisay damacii kaga jiray difaaca midig ee reer England ee Kieran Trippier oo 30 jir ah, una ciyaara Atletico Madrid. (MEN)

Weeraryahankii hore ee Everton, haddana ku-xigeenka ka ah kooxdaas ee Duncan Ferguson ayaa doonaya in uu noqdo tababaraha rasmiga ah ee beddelaya Carlo Ancelotti oo Real Madrid tegay. (Mail)

Tababaraha cusub ee Real Madrid ee Carlo Ancelotti waxa uu sheegay, in weeraryahanka reer Wales ee Gareth Bale oo 31 jir ah iyo xiddiga Belgiyum ee Eden Hazard oo 30 jir ah, ay wali kasoo muuqan karaan kooxda. (Guardian)

Arsenal iyo Tottenham ayaa Manchester United ku qabsaday difaaca midig ee reer Turkey ee Zeki Celik oo 24 jir ah, una ciyaara Lille. (Standard)

West Ham iyo Southampton ayaa ku tartamaya difaaca Barcelona ee Junior Firpo oo 24 jir ah. (Sport)

Sergio Aguero oo 33 jir ah, dhowaana u wareegay Barcelona waxa uu iska diiday dalab uu ak helay Juventus ka hor intii aanu tegin Spain. (Mundo Deportivo)

Sevilla ayaa doonaysa in ay lasoo saxeexato weeraryahanka reer Chile ee Alexis Sanchez oo 32 jir ah, una ciyaara Inter Milan. (Sport).

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More