Tirada dhimashada ka dhalatay musiibadii doonta ee dhacday Talaadadii harada Kariba ee Zimbabwe ayaa gaartay 72 kaddib markii mas’uuliyiintu soo saareen 25 mayd, sida ay booliisku sheegeen, iyadoo kooxaha gurmadku ay sii wadeen raadinta dhibbaneyaal kale oo ku jira harada weyn.
Doonta rakaabka, oo ay maamusho Hay’adda Horumarinta Kaabeyaasha Miyiga ee dowladda ee (RIDA), ayaa ku qalibantay biyo kacsan kaddib markii si halis ah loo buux-dhaafiyay. Shilku wuxuu ka dhacay harada Kariba, oo ku teedsan xadka u dhexeeya Zimbabwe iyo Zambia.
- Advertisement -
Mas’uuliyiintu waxay aaminsan yihiin in tani ay noqon karto musiibadii dooneed ee ugu dhimashada badnayd Zimbabwe.
“Tirada dhimashada shilka doonta Kariba RIDA hadda waa 72 kaddib markii la soo saaray 3 mayd oo kale fiidkii 15 Agoosto 2026,” ayay booliisku ku sheegeen bayaan ay soo saareen xalay goor dambe.
Muuqaal guud oo harada Kariba ah wax yar kaddib markii la qabtay munaasabaddii xusuusta ee Khamiista
Booliisku waxay hore u sheegeen in tirada dhimashadu ay gaartay 68 kaddib markii la soo saaray 22 mayd oo dheeraad ah.
Mas’uuliyiintu ma bixin faahfaahin ku saabsan dhibbaneyaashii ugu dambeeyay. Inta badan dadka saarnaa doonta waxay ahaayeen tuulo-joog iyo ganacsato kalluun oo ku nool bulshooyinka ku hareeraysan harada.
Sida ay sheegeen mas’uuliyiintu, doonta waxaa loo oggolaaday inay qaaddo 90 qof balse waxay sidey 114 qof oo waaweyn, shan xubnood oo shaqaalaha ah iyo tiro carruur ah oo aan la garanayn.
Hay’adda ilaalinta rayidka ee Zimbabwe ayaa Arbacadii sheegtay in la badbaadiyay 77 qof.
Aqoonsiga maydadka
Boqolaal baroor-diiqayaal ah ayaa shalay isugu yimid isbitaalka degmada ee magaalada Kariba ee ku taalla hareeraha harada, iyadoo qoysasku sugayeen inay aqoonsadaan ehelkooda iyo dadka ay jeclaayeen. Warbaahinta Zimpapers ayaa X ku daabacday muuqaallo muujinaya safaf dhaadheer oo ka baxsan xarunta.
“Ilaa hadda maanta waxaan ku guuleysanay inaan soo saarno 22 mayd,” ayuu yiri Gaashaanle Dhexe Joseph Muchechesi, taliyaha cutubka doomaha ee ka qeyb qaadanaya howlgalka raadinta.
“Waxaan ku kalsoonahay inaan ku guuleysan doonno soo saarista dhammaan maydadka,” ayuu yiri, isaga oo sharxaya in qabowga xilliga jiilaalka uu dib u dhigayo soo sabbaynta maydadka dusha sare.
Munaasabad xusuus guud ah ayaa Khamiistii lagu qabtay Kariba, taas oo soo jiidatay dadka deggan magaalada oo qiyaastii 280 kiiloomitir waqooyi-galbeed uga beegan caasimadda Harare. Aasasku wuxuu billowday intaas kaddib.
Naxash ay ku jirto meydka mid ka mid ah dhibbaneyaashii doontu ku qalibantay oo ka baxaya qolka meydadka ee Isbitaalka Kariba Khamiistii
Dadkii ka badbaaday ayaa sheegay inay ku boorriyeen wadaha doonta inuu dib u laabto kaddib markii doontu billowday inay biyo qaadato wax yar uun kaddib markii ay ka dhaqaaqday xeebta.
Mid ka mid ah dadka badbaaday ayaa Khamiistii sheegay inuu indhihiisa ku daawanayay oo keliya iyadoo rakaabku la halgamayeen sidii ay uga baxsan lahaayeen doonta degeysa. Saaxiibkiisii ugu dhowaa iyo toddobo qaraabo ah ayaa ka mid ahaa dadkii dhintay.
“Ilaahay baa mahad leh in hir uu riixay doontii degeysay, annaguna aan ku guuleysannay inaan korka fuulno,” ayuu yiri Chance Siyamavhu intii lagu jiray munaasabadda xusuusta.
“Markii doontu qalibantay, dadka intooda badan waxay u yaaceen inay helaan jaakadaha badbaadada, laakiin intooda badan xitaa ma aqoon sida loo isticmaalo,” ayuu yiri ninkan 45 jirka ah. “Dad badan ma aysan badbaadin.”
Harada Kariba waxay ku taal xadka Zimbabwe iyo Zambia waana harada macmalka ah ee ugu weyn dunida marka loo eego mugga biyaha.