Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky ayaa soo saaray digniin culus oo ku wajahan shirkadaha diyaaradaha, shirkadaha caymiska iyo rakaabka: hawada Ruushka waxay noqon doontaa “mid gebi ahaanba aan ammaan ahayn” isla markaana sii kordheysa ciriirigeeda diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Ukraine inta uu dagaalku socdo.
“Maanta, waxaan rabnaa inaan uga digno shirkad kasta oo diyaaradeed oo adeegsata hawada Ruushka, shirkad kasta oo caymis, iyo qof kasta oo weli adeegsada garoomada diyaaradaha muhiimka ah ee Ruushka: hawada Ruushka waxay noqoneysaa mid gebi ahaanba aan ammaan ahayn,” ayuu ku yiri khudbaddiisii habeenkii.
- Advertisement -
“Ukraine si gaar ah uma hanjabeyso duulimaadyada rayidka – hal diyaarad rayid ah oo keliya ma jirto. Si fudud waxaa cirka Ruushka ku jiri doona diyaarado aan duuliye lahayn oo baaxad ay tahay in lagu xisaabtamo leh,” ayuu raaciyay.
Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa cambaareeyay hadalladaas, isagoo ku tilmaamay “ku dhawaaqis argagixiso dowladeed”.
Mudane Putin ayaa sidoo kale sheegay in Moscow ay diyaar u tahay wadahadallo “la taaban karo” oo lagu xallinayo colaadda Ukraine, haddii la abuuri karo dardar cusub.
Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa ka hadlayay shir jaraa’id oo ka dhacay Kyrgyzstan
Isagoo la hadlayay weriyeyaasha kadib shir-madaxeed ka dhacay Kyrgyzstan, Mudane Putin wuxuu ku celiyay aaminsanaantiisa ah in ciidamada Ruushka ay ugu dambeyn ka adkaan doonaan Ukraine isla markaana militariga Kyiv uu “burburi doono”.
In ka badan afar sano kadib markii Ruushku bilaabay duullaankiisa Ukraine, labada dhinacba waxay kordhiyeen weerarradooda, taasoo sare u qaaday xiisadda guud ahaan gobolka.
Ugu yaraan 12 qof ayaa shalay lagu dilay Kyiv iyo nawaaxigeeda, kaddib mowjad cusub oo weerarro Ruushku habeenkii qaaday.
Howlaha diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Ukraine ayaa sidoo kale sii kordhaya carqaladeynta isu socodka hawada ee garoomada diyaaradaha Ruushka, iyadoo tirada xadgudubyada la soo wariyay ay kor u kacday bilihii u dambeeyay.
“Annaga Ukraine gudaheeda ma dooneyno in nafaf aan waxba galabsan ay lumiyaan. Taasi waa sababta aan uga digeyno saaxiibbadeenna: maalmaha nabdoon ee cirka Ruushka way dhammaadeen,” ayuu yiri Mudane Zelensky.
“Cir ay ka buuxaan diyaarado aan duuliye lahayn ma aha meel ay ku habboon tahay duulimaadyada rayidka,” ayuu raaciyay. “Cirka Ruushka hadda waxaa iska leh diyaaradaha aan duuliyaha lahayn inta uu dagaalku socdo.”
Wuxuu sheegay in Ukraine ay haddana kala bixi doonto diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee hawada Ruushka codsi uga yimaada saaxiibbadeeda, “si loo dhowro diblomaasiyadda, si loo dhowro wadaxaajoodyada, xilliyo cayiman iyo goobo cayiman awgood”.
Dadaallada diblomaasiyadeed ee uu Maraykanku dhexdhexaadinayo ee lagu doonayo in lagu soo afjaro colaadda ayaa hakad galay tan iyo markii dagaalku ka qarxay Bariga Dhexe bishii Febraayo.