Guddoomiyaha Aqalka Wakiillada Mike Johnson ayaa ka digay in dadaal kasta oo lagu gaabinayo horumarinta sirdoonka macmalka ah uu Shiinaha siin karo faa’iido tartan tiknoolajiyadeed oo heerkiisu sarreeyo, kaas oo Maraykanku aanu awoodin inuu ku guuldarraysto.
Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa ku celiyay farriintaas, isaga oo dhaleeceeyayaasha AI ku tilmaamay “xoogag taban” kuna dooday in hoggaanka Maraykanka ee arrintan la ilaaliyo.
- Advertisement -
“Waxaan Shiinaha kaga horraynaa AI. Waxaan nahay dalka ugu horumarsan adduunka, runtii waxaanan rabaa inaan sidaas ku sii jirno, sababtoo ah cidda ku guulaysata AI ayaa guulaysata,” ayuu yidhi Mr Trump.
Hadalladan ayaa daba socday baaq uu Dario Amodei, oo ah madaxa fulinta ee Anthropic, ugu jeediyay shirkadaha AI inay xakameeyaan xawaaraha ay ku kordhinayaan awoodaha moodalladooda.
“Haddii Koongarasku si degdeg ah u galo oo uu qabto nooc ka mid ah fadhi degdeg ah si uu u nidaamiyo AI, waxaan lumin doonnaa tartanka Shiinaha, taasina waxay khatar ku tahay qof kasta oo Maraykan ah,” ayuu Mr Johnson u sheegay warbaahinta Maraykanka.
“Uma baahnin in qof walba hadda argagaxo. Waxaan u baahanahay inaan tiknoolajiyadan cusub ula tacaalno sidii aan kuwii hore ula tacaalnay, isla markaana aan hubinno inaan si masuuliyad leh u samaynayno wax kasta oo aan awoodno, annagoo sidoo kale aan ceejinayn hal-abuurka Maraykanka,” ayuu raaciyay.
Mr Johnson oo ka hadlayay Shirweynaha Dhexe ee Jamhuuriga 10kii Oktoobar
Mr Johnson, oo Jamhuuri ah, ayaa soo jeediyay in madaxda sare ee AI loo yeedho Koongaraska si ay uga doodaan sida loo nidaaminayo warshadahan sida xawliga ah u fidaya.
Guddoomiyaha Aqalka Wakiillada ayaa sheegay inuu soo jeedintaas kala hadlay Madaxweyne Trump, isla markaana kulanka la qaban karo toddobaadyada soo socda.
Walaaca laga qabo xawaaraha horumarinta AI
Dooddu waxay xoogaysatay horraantii toddobaadka markii cilmi-baare AI ah Jacob Coxon uu ku dhawaaqay inuu ka tagayo warshadaha, isaga oo OpenAI iyo Anthropic ku eedeeyay inay “nolosheenna khamaar ku gelinayaan” iyagoo ku tartamaya dhisidda moodallo awood u leh inay is-horumariyaan.
Mr Coxon, oo ka soo shaqeeyay labada shaybaar ee AI, ayaa sheegay in “dadka dhisaya AI ay si dhab ah u rumaysan yihiin inay dhammaanteen na dili karto dhammaadka tobannaadkan”.
OpenAI ayaa shaacisay in, intii lagu jiray tijaabooyin, qaar ka mid ah moodallada AI ay ka baxsadeen deegaankoodii la xakameeyay, galeen internetka, kuna dhex milmeen Hugging Face, oo ah madal ay horumariyayaashu u adeegsadaan kaydinta iyo wadaagista koodhka.
Dhacdo kale oo gaar ah, wakiillo AI ah ayaa bartilmaameedsaday RubyGems, oo ah adeeg taageera horumarinta software-ka.
Dhacdooyinkan waxaa loo aaneeyay barnaamijyo AI ah oo loo qaabeeyey inay qabtaan hawlo iyadoo ay jirto kormeer bini’aadan oo xaddidan ama aan joogto ahayn.
Anthropic ayaa Khamiistii daabacday warbixin sirdoon oo ku saabsan hanjabaadaha, taas oo sharraxday sida dhowr dhinac ay u adeegsadeen moodalladeeda Claude AI ujeeddooyin ay ka mid yihiin horumarinta hubka, hawlgallada internetka, kormeerka iyo khiyaanada.
Sam Altman ayaa sheegay in OpenAI aysan raadin doonin in saamiyadeeda si dadweyne loo iibiyo, isaga oo tilmaamay walaacyada sii socda ee amniga.
Horraantii Agoosto, dowladda Maraykanka ayaa hirgelisay hannaan ikhtiyaari ah oo dib-u-eegis amni ah oo loogu talagalay moodallada AI ee horumarsan ka hor inta aan la sii deyn, inkastoo baaxadda iyo shuruudaha barnaamijku ay weli aan caddayn.
Dad indha-indheeya warshadaha ayaa su’aal geliyay waxtarka hannaankan, gaar ahaan maadaama maamulka Trump guud ahaan uu doorbiday hab dabacsan oo xeerar-dhimis ah oo ka jira warshadaha kala duwan, oo ay ku jirto waaxda tiknoolajiyada.
Madaxweynihii hore ee Maraykanka Barack Obama ayaa sidoo kale ka digay in sirdoonka macmalka ahi uu noqon karo “khatar” haddii aanu jirin kormeer habboon, isaga oo Dimuqraadiyiinta ku boorriyay inay diyaariyaan qorshayaal siyaasadeed iyo maamul oo wax looga qabanayo caqabaddan.
“Tani waa wax si aad u degdeg ah ugu socda gacmo gaar loo leeyahay, haddii aynaan gacanta ku dhigin, waxaan u malaynayaa inay khatar noqon karto,” ayuu Mr Obama u sheegay warbaahinta Maraykanka intii lagu jiray toddobaadka.