Xiddigaha Everton Oo Dalbaday In Si Rasmi Ah Loo Shaaciyo Magaca

Ciyaaryahanadda kooxda Everton ayaa doonaya in si rasmi ah loo magacaabo ciyaaryahanka kooxdooda ka tirsan ee loo xiray eedeymo ah inuu u galmooday ilmo yar oo aan qaangaadhin.

Waxay ka baryayaan madaxda kooxda inay soo gabagabeeyaan xanta gaafwareegeysa kooxda ee ku saabsan shaqsiga eedeymahaas xun loo heysto.

Boliiska ayaa xaqiijiyay in nin 31 sanno jir ah oo ka tirsan kooxda Everton loo xiray eedeymo la xiriira inuu u galmooday ilmo yar laakiin sababo sharci ah darteed ma aysan magac dhabin, inkastoo warbaahinta wadanka Iceland ay shaacisay in ninkaas uu yahay Gylfi Sigurdsson.

Ciyaaryahanadda Everton ayaa lagu amray inaysan wax xiriir ah la sameynin xiddigaan eedeysanaha ah ilaa iyo inta uu ka soo dhamaanayo baaritaanka boliiska.

Sida ay sheegtay jariirada The Sun, mid ka mid ah ciyaartoyda kooxda Everton ayaa falcelin carro leh ka bixiyay inuu taleefankiisa ku arkay shan wicitaan uu seegay oo uga yimid Sigurdsson.

Ilo ku sugan kooxda ayaa sheegay in kulan ay yeesheen ciyaartoyda oo ay uga hadlayaan xaaladaan cusub: “Ciyaaryahanadda aad ayay u careysan yihiin, kuma faraxsana in kiiskaan magacooda lagu soo dhex labo.

“Ciyaaryahanadda waa weyn ee Everton waxaa habeen iyo maalin la soo xiriira ciyaartoyda kale ee Premier League ka dheesha kuwaasoo raadinaya war ku saabsan kiiskaan.”

Eedeysane Sigurdsson ayaa maaliyadihiisa waxaa laga dejiyay dukaamada dalkiisa Iceland, waxaa sidoo kale soo baxday shalay oo Arbaco aheyd in xaaskiisa ay isaga tagtay gurigooda.

Waxaa xayiraad ku soo rogtay kooxda, iyadoo Sigurdsson uu beeninayo eedeymaha loo heysto islamarkaana uu damaanad banaanka ku joogo.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More