Skip to content
Friday, August 28, 2026 14 Rabi al-Awwal 1448 AH Dhuhr 12:00
Muqdisho 28°C
Breaking: North Western State of Somalia Bars Opposition Members From Egal Airport During Party Chairman’s Welcome
Breaking News
Axadle
Axadle Newsroom Sports English

Xiddiga Man United McTominay Oo Sharaxay Halka Ay Xiddigaha

Follow
Newsroom published Updated 6 years ago 2-minute read
Dhageyso Qodobada AI Narration • ~2 min audio

Scott McTominay ayaa sheegaya in Ole Gunnar Solskjaer uu heysto taageerada buuxda ee qolka labiska Manchester United inkastoo kooxda lala xiriirinayo tababare Mauricio Pochettino.

Red Devils ayaa guuldarro 6-1 ah waxay gurigooda kula soo gaartay kooxda Tottenham ka hor inta aan la aadin kulamada heerka caalami taasoo shaki weyn sii gelisay mustaqbalka tababaraha reer Norway.

Isbuucaan waxaa soo baxay warar sheegaya in Bruno Fernandes uu u muuqdo mid dhumiyay kalsoonidii uu ku qabay mashruuca Solskjaer.

Waxaa la sheegay inuu ka mid yahay xiddigo hadalo kulul isku weydaarsaday qolka labiska Manchester United ka dib xasuuqii ka soo gaartay Spurs.

Fernandes ayaa la sheegay inuu ku qeyliyay xiddigaha ay isku kooxda yihiin isagoo ku yiri: “Waxay aheyd inaan u dhaqano sida Manchester United!”

Haatan Solskjaer ayaa ah ninka ay seefa dul saaran tahay iyadoo Pochettino uu ka warsugayo maamulka Man United isagoo doonaya inuu ku soo laabto shaqada tababare.

Si kastaba, sida uu sheegay xiddiga khadka dhexe ee United McTominay, qof walba oo kooxda jooga ayaa taageeraya Solskjaer isagoo aaminsan inuu yahay ninka ugu fiican ee shaqada ku haboon.

Xiddiga reer Soctland ayaa u sheegay TV2: “Kooxda oo dhan ayaa garab taagan isaga. Waan aaminsanahay erey walba uu inoo sheego, isaga kaliya ma ahan.

“Waxaan aaminsanahay ereyada Mike Phelan, Kieran McKenna, Michael Carrick iyo dhamaan shaqaalaha tababarka.”

Solskjaer ayaa isna ka careysnaa sida ay maamulka kooxda uga gaabiyeen inay ku taageeraan suuqa kala iibsiga.