“Waxaan Doonayaa Inaan Waqtiga Dib Ugu Laabto Oo Aan Burris

Weeraryahanka reer Denmark Niclas Bendtner oo lagu garanayo waqtigiisii uu joogay Arsenal iyo Juventus ayaa ka qoomameynaya waayihiisa kubada cagta isagoo haatan ay da’diisa tahay 32 sanno jir, wuxuu xitaa ku fekerayaa inuu ciyaaraha isaga fariisto.

- Advertisement -

Markii uu ahaa ciyaaryahan da’ yar waxaa Bendtner loo arkayay inuu noqon doono weeraryahanka xiga ee u soo baxaya Arsenal, laakiin hab dhaqankiisa garoonka ka baxsan ayaa saameyn ku yeeshay qaab ciyaareedkiisa.

Haatan Bendtner waa xor ka dib markii Korona Fayras uu ka horjoogsaday inuu u wareego horyaalka Shiinaha, wuxuuna sheegay inuu ka fiirsanayo inuu ciyaaraha ka fariisto haddii uusan heli dalab xiiso leh.

Buug uu qoray oo la daabacay sannadkii la soo dhaafay ayaa waxaa qeyb ka mid ah soo bandhigtay wargeyska The Guardian maanta, iyadoo joornaaliistaha warbixinta ka qoray buugiisa uu tilmaamay in Bendtner uu ka qoomameynayo waayihiisa ciyaareed ee ka burburay iyo waqtiyadii uu qamaarka iyo khamriga ku waalnaa.

“Sida aan khamriga u cabi jiray ma awoodi karin xitaa inaan kursi ku fariisto” ayuu yiri Bendtner oo ka hadlayay sidii uu u dhaqmayay markii uu 23 sanno jir ahaa.

“Waxaan ku waalnaa khamaarka, 90 daqiiqo gudaheed waxaa khamaar la iiga helay 400 kun ginni. Waxay aheyd lacag aanan heysan. Bankigeyga deyn ayuu igu lahaa, waxaana qarka u saarnaa inaan musalafo. Biyo ayaan wajiga isaga shubay, waxaana raadiyay inaan amaahdo 50 kun ginni oo aan ku khamaaro.

“Waxaan fariistay suuliga anigoo ooyaya” ayuu yiri. “Waxaa iga soo booday qaabka nolosheyda iyo sida lacagta ay ii bedeshay. Waxaan doonayaa inaan waqtiga dib ugu laabto oo aan burris ama dubbe madaxa isaga garaaco markii aan da’da yaraa oo aan isku sheego inaan fursad heysto kana faa;ideysto.”

Bendtner ayaa xor ahaa tan iyo markii uu kulankiisii ugu danbeysay u ciyaaray kooxda Copenhagen 1dii bishii Janaayo sannadkan 2020.

banner

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More