Wararkii Ugu Dambeeyey Suuqa Iibka Ciyaaryahanadda Ee Maanta Oo

Maalin wanaagsan akhristayaasheena sharafta leh meel kasta oo aad dunida ka joogtaan. In kasta oo uu suuqa iibka ciyaartoydu xidhan yahay, waxa jira warar hoose oo xan ah iyo kuwo si caam ah loo ogyahay oo ay kooxaha waaweyn ee Yurub ku doonayaan ciyaartooyo ay lasoo saxeexdaan bisha January oo uu suuqu dib u furmi doono, waxaana dhaqdhaqaayada ugu dambeeya si joogto ah uga warramaya wargeysyada waaweyn ee dunida.

Haddaba, waxa aanu halkan idiinku soo gudbinaynaa wararkii ay saaka oo Khamiis ah qoreen wargeysyada waaweyn, waxaana xuquuqda wararkan iska leh isla wargeysyada aanu kasoo xiganay oo aanu magacooda war walba ku hor qornay.

Brighton ayaa la filayaa inay dalbato £50 milyan oo Gini haddii Liverpool ay isku daydo inay la saxeexato difaaceeda Ben White oo Jurgen Klopp uu doonayo inuu u beddelo Virgil van Dijk. 23 jirkan reer England ayay kooxo badan isku dayeen saxeexiisa bishii January.

Weeraryahanka reer France ee Kylian Mbappe oo 21 jir ah ayaa go’aan ku gaadhay inuu iskaga tago Paris St-Germain xagaaga dambe, waxaana uu ku biiri doonaa Liverpool ama Real Madrid. (Le Parisien)

Laacibka garabka weerarka uga ciyaara Manchester United ee Mason Greenwood oo 19 jir ah ayaa ka hadlay xaaladdiisa kooxda ee aan joogtada ahayn oo la sheegayo inay keeni karto inuu ka baxo Old Trafford. (Mail)

Chelsea waxay diyaar u tahay in bisha January ay amaah ku bixiso goolhayaheeda Kepa Arrizabalaga, waxaana si weyn u doonaysa  kooxda reer Spain ee Sevilla. (Estadio Deportivo)

Kubbad-sameeyaha reer Germany ee Mesut Ozil oo 32 jir ah ayaa rumaysan in dano dhaqaale oo uu China ka  dambeeyo ay sabab u yihiin go’aanka Arsenal ay kaga saartay liiska ciyaartoygeeda ee tartamada Premier League iyo Europa League. (Mail)

Tottenham waxay qorshaynaysaa inay wada-hadallo la furto difaaceeda bidix ee Danny Rose oo 30 jir ah, waxaanay doonaysaa in la burburiyo heshiiskiisa. (Football Insider)

Weeraryahanka reer England ee Danny Welbeck oo 29 jir ah ayaa iska diiday dalab £140,000 Gini uu toddobaadkii kaga qaadan lahaa koox ka dhisan waddanka Turkey oo la tuhunsan yahay inay tahay Fenerbahce. Go’aankan ayuu u qaatay si uu usii joogo horyaalka Premier League oo uu ku biiray Brighton. (Sun)

Chelsea waxay xiisaynaysaa laacibka khadka dhexe uga ciyaara Borussia Monchengladbach ee Denis Zakaria oo 23 jir ah, laakiin waxa kula tartamaya kooxaha Manchester United iyo Manchester City oo doonaya laacibkan reer Switzerland. (Bild)

Khadka dhexe ee reer Portugal ee  Gedson Fernandes oo 21 jir ah ayaa Tottenham ay amaah kaga soo qaadatay Benfica ayaa la filayaa inuu waqti hore oo bisha January ah ku laabto kooxdiisa rasmiga ah ee Porto kaddib markii uu saldhigi kari waayey Lilywhites. (RTP 3)

Lucas Torreira oo Atletico Madrid amaah ugu biiray xagaagii tegay, ma doonayo inuu dib ugu laabto Arsenal, waxaanu go’aankiisu yahay inuu heshiis rasmi ah u saxeexo Atletico. (Ovacion Digital)

Tababaraha Aston Villa ee Dean Smith ayaa sheegay in kooxdiisu ay doonayso inay heshiis rasmi ah la gaadho Ross Barkley oo ah 26 jir ay amaah kaga soo qaateen Chelsea. (Birmingham Mail)

Barcelona waxay ugu yeedhay ciyaartoyda kooxdeeda inay kasoo qayb-galaan kulan lagaga wada xaajoonayo in mushahar dhimis ay sameeyaan dhamaan shaqaalaha, ciyaartoyda iyo maamulka kooxdu, laakiin ciyaaryahannada ayay intooda badan kasoo horjeedaan. (Goal)

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More