Waa Kuwan Labada Kooxood Ee Premier League Ka Ciyaara Ee Ka Dhaartay

Sida ay sheegayaan xogo cusubi, weeraryahanka Barcelona ee Antoine Griezmann ayaan xilli ciyaareedka dambe ka ciyaari doonin horyaalka Premier League walow kooxo badan lagala xidhiidhinayay.

Griezmann ayaa u muuqda mid iskaga tagaya Barcelona xagaagan iyadoo kooxda ree Catalonia ay ku jirto dhibaato dhaqaale oo xalin uga baahan.

Barcelona ayaa u baahan inay dhinto ilaa 170 Milyan oo pound oo kamida mushaharaadka ay bixiso si ay u diiwaan gashato saxeexyadeeda cusub.

Sergio Aguero, Memphis Depay, Eric Garcia iyo Emerson Royal ayaa dhammaantood kusoo biiray Barcelona balse midkoodna ma awoodi doono inuu kooxda u ciyaaro ilaa ay yarayso qadarka lacagaha ah ee ay bixiso.

Sidoo kale waxaan kooxda u ciyaari karin Lionel Messi oo heshiiskiisii hore dhacay haddii aan deg-deg loo dhimin mushaharaadka baxa.

Griezmann ayay Barcelona u dooratay midka ugu macquulsan ee la diri karo maadaama oo uu mushahar ahaana aad u badan yahay balse wargeyska Daily Star ayaa sheegaya in uusan xiddiga French-ka ahi dhinaca Premier League u socon.

Labada kooxood ee kala ah Man City iyo Chelsea ayuu wargeysku sheegayaa inay labaduba ku gacan saydheen fursada ay kula saxeexan karaan Antoine.

Chelsea ayaa doonaysa saxeexa weeraryahan dhexe oo rasmi ah waxaana bar-tilmaameedkeeda koowaad yahay Erling Haaland oo Borussia Dortmund ka tirsan.

Dhinaca kale Man City ayaa bar-tilmaameed ka dhiganaysa saxeexyada Harry Kane iyo Jack Grealish mana hayso lacag ay xiddigo aan muhiim u noqonayn ku bixiso.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More