Skip to content
Saturday, September 26, 2026 13 Rabi al-Thani 1448 AH Fajr 04:37
Muqdisho 26°C
Breaking: NISA Kills 12 al-Shabab Members in Somalia’s Middle Shabelle Region
Breaking News
Axadle
Axadle Newsroom Sports English

Waa Kuma Xiddiga Uu Madaxweyne Perez Doonayo Inuu Ka Diro Real Madrid

Follow
Newsroom published Updated 5 years ago 1-minute read
Dhageyso Qodobada AI Narration • ~1 min audio
Waa Kuma Xiddiga Uu Madaxweyne Perez Doonayo Inuu Ka Diro Real Madrid

Sida ay sheegayaan warar cusubi, tababaraha cusub ee kooxda Real Madrid ee Carlo Ancelotti ayaysan wakhti badan ku qaadan inuu go’aanada qaar kaga soo horjeedsado madaxweyne Florentino Perez walow kooxda loo magacaabay kaliya horraantii bishan.

Tababaraha ree Talyaani ayaa lagu soo warramayaa inuu Perez oo dhawaan kasoo kaxeeyay kooxda Everton ay isku khilaafeen qorshaha iyo waxa laga yeelayo garabka weerar ee kooxda ee Marco Asensio.

Wargeyska Don Balon ayaa sheegaya in tababare Ancelotti uu jeclaan lahaa inuu dib usoo nooleeyo waayaha ciyaareed ee Asensio oo dhaawacyo hoos u dhac galiyeen halka uu Perez ka jeclaan lahaa inuu 38 Milyan oo pound ku iibiyo.

Warbixinta ayaa sheegaysa inaysan jirin kooxo badan oo doonaya saxeexa Asensio oo mar si weyn loo qiimayn jiray waxaana uu Don Balon xusayaa in kaliya labada kooxood ee doonaya saxeexiisu ay yihiin Napoli iyo Tottenham.

Asensio oo 26 sano jir ah ayaa Real Madrid kusoo biiray sanadkii 2015 kaddib heshiis 3.5 Milyan pound ah oo uu ugaga yimid dhinaca kooxda Mallorca.

Tan iyo markii uu Los Blancos ku biiray, Asensio ayaa 193 kulan usoo ciyaaray kooxdaas isaga oo si toos ah 59 gool uga qayb qaatay marka la isku daro caawinta iyo dhalinta.

Si kastaba, iyadoo heshiiskiisa haatan ee kooxda ay laba sano ka hadheen, waxa la eegi doonaa midka go’aankiisu hirgalo Ancelotti iyo Perez.

How do you rate this story?

0 votes