Waa Kuma Xiddiga Man United Ka Tirsan Ee Saxeexiisa Loo Bandhigay

Kooxda ree Spain ee Barcelona ayaa la xusayaa in loo bandhigay saxeexa khadka dhexe ee Manchester United ee Donny Van De Beek balse xiddiga Dutch-ka ah ayaa ah mid ay ka go’antahay inuu joogo kooxdiisa haatan.

Xiddiga heer caalami ee xulka qaranka Netherlands ayaa xilli ciyaareedkiisii koowaad kusoo hoos dhibtooday tababare Ole Gunnar Solskjaer oo kaliya afar kulan oo Premier League ah kusoo bilaabay isla markaana kaliya 15 kulan kusoo bilaabay tartamada oo dhan.

Wargeyska Sport ayaa sheegaya in Barcelona loo bandhigay saxeexa VDB iyadoo Barca doonaysay inay ku bedelato daafaceeda Samuel Umtiti.

Laakiin Manchester Evening News ayaa dhinaciisa sheegaya in Donny uu doonayo inuu sii joogo Old Trafford isla markaana u dagaalamo inuu boos joogto ah ka helo United.

Ilo ku dhaw dhaw ciyaaryahanka ayaa u sheegay Manchester Evening News in Van De Beek uu haatan yahay mid taam ah, fir-fircoon oo diyaar u ah loolanka uu galayo.

Van De Beek ayaa lagu qasbay inuu dhaawac kaga maqnaado xulka Netherlands tartankii Euro 2020 isaga oo tababar gaar ah oo uu kusoo kabanayo kaligii samaynayay.

Van De Beek iyo Anthony Martial ayaa lagu wadaa inay Isniinta tababarka kula biiri doonaan xiddigaha kale ee kooxdooda. 24 sano jirkaas oo United heshiis 40 Milyan oo pound ah ugaga yimid dhinaca Ajax ayaa kulankiisii ugu horreeyay gool ka dhaliyay Crystal Palace balse intaas kaddib ku dhibtooday inuu wakhti ciyaareed helo.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More