Skip to content
Thursday, October 1, 2026 18 Rabi al-Thani 1448 AH Maghrib 17:50
Muqdisho 27°C
Breaking: Swiss Glaciers Lose 20% of Their Mass in Five Years, Called “Catastrophic”
Breaking News
Axadle
Axadle Newsroom Sports English

UGU DAMBAYN: Erling Haaland Oo Ka Hadlay Wararka La Xidhiidhinaya

Follow
Newsroom published Updated 5 years ago 1-minute read
Dhageyso Qodobada AI Narration • ~1 min audio
UGU DAMBAYN: Erling Haaland Oo Ka Hadlay Wararka La Xidhiidhinaya

Da’yarka weeraryahanka ah ee kooxda Borussia Dortmund ee Erling Haaland ayaa meesha ka saaray wararka la xidhiidhinaya kooxda Chelsea isaga oo sheegay inuu layaabay qiimaha 175-ka Milyan ee pound ah ee la sheegay inay kooxdiisu ku doonayso iibkiisa.

Blues ayaa ah kuwo ay ka go’antahay inay weeraryahan la hubo kusoo daraan safkoodii kusoo guuleystay Champions League xilli ciyaareedkii hore balse qalbi jab kala kulmay Haaland kaddib hadaladiisan ugu dambeeyay.

Kahor shir jaraa’id oo ka horreeya kulan saaxiibtinimo oo ay kooxdiisa Dortmund ciyaarayso ayuu Haaland sheegay inuusan mudo la xidhiidhin wakiilkiisa Mino Raiola isaga oo dhinaca kale sheegay inuu filayo inay kaliya wararkaasi xan yihiin.

“Shalay kahor mudo bil ah lamaan hadal wakiilkayga, sidaas darteed adiga ayaa ii sheegaya, halkaas ayaad jawaabta ku haysataa” ayuu ugu horreynba yidhi 21 sano jirka Norwegian-ka ahi.

“Waxaan rajaynayaa inay kaliya warar xan ah yihiin, 175 Milyan oo euro lacag badan ayay ku noqon doontaa shaqsi kali ah, saddex sano ayaa ka hadhsan qandaraaskayga, anigu waan ku raaxaysanayaa wakhtigayga halkan”

Dortmund ayaan doonayn inay Haaland iibiso xagaagan waxaana ay ku xidheen inay fasaxaan lacag 175 Milyan oo euro ah, waxa jira warar sheegaya inay dalab weyn diyaarinayso Chelsea.

 

How do you rate this story?

0 votes