Shaxda Lama Filaanka!! Saxeexyadii Aan Cidina Ku Fikirin

Suuqa kala iibsiga qaarada Yurub ee sanadka 2020 gaar ahaan midka xagaaga ayaa xalay si rasmi ah usoo xidhmay, suuqan ayaa ahaa mid layaab leh iyadoo xanuunka Korona uu saamayn dhinaca dhaqaalaha ah sameeyay.

Kooxaha qaar ayaa ahaa kuwo aan u joojin saamayntaasi dhaqaale waxaana tusaalaha ugu fiican ah kooxda Chelsea oo toddoba saxeex oo kooxda koowaad ah samaysay iyagoo bixiyay in ka badan lacag £230 Milyan.

Laakiin Chelsea ayaan ahayn kooxda kaliya ee suuqa kaga yaabsatay jamaahiirta kubadda cagta waxaana tusaale kala ah kooxda ay London kasoo wada jeedaan ee Arsenal oo saacadihii ugu dambeeyay la wareegay Thomas Partey.

Si kastaba, shabakadda France Football ayaa samaysay shaxda lama filaanka ah ee ay ka samaysay saxeexyadii suuqan ka qabsoomay.

Xiddigaha ugu magaca weyn ee laga xusi karo shaxdan ayuu kamid yahay weeraryahankii Barcelona ee Luis Suarez kaas oo si amakaag leh ugu wareegay dhinaca kooxda uu Barca xifaaltanka tooska ahi ka dhaxeeyo ee Atletico Madrid.

Xiddigaha kale ayaa ah Blaise Matuidi iyo Gonzalo Higuain oo kawada baxay kooxda sagaalka jeer ee xidhiidhka ah kusoo guuleysatay horyaalka Serie A iyagoo si wadajir ah ugu biiray kooxda cusub ee ree Maraykan ee Inter Miami oo uu halyeey David Beckham leeyahay.

Halkan Ka Akhriso Shaxda Oo Dhammaystiran

Goolhaye: Runar Alex Runarsson | Dijon to Arsenal:Daafac Garab: Achraf Hakimi | Real Madrid to Inter MilanDaafac Dhexe: Wesley Fofana | Saint-Etienne to LeicesterDaafac Dhexe: Diego Godin | Inter Milan to CagliariDaafac Garab: Bouna Sarr | Marseille to Bayern MunichKhad Dhexe: Allan | Napoli to EvertonKhad Dhexe: Blaise Matuidi | Juventus to Inter MiamiKhad Dhexe: Baptiste Santamaria | Angers to FreiburgWeeraryahan: Luis Suarez | Barcelona to Atletico MadridWeeraryahan: Gonzalo Higuain | Juventus to Inter MiamiWeeraryahan: Eric Maxim Choupo-Moting | PSG to Bayern Munich

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More