RASMI: Premier League Oo Xaqiijiyey In La Joojiyey Adeegsiga Go’aamada

Premier League ayaa shaaciyey in ay isbeddel ku sameeyeen isticmaalka VAR, gaar ahaan go’aamadii muranka ugu badan dhaliyey xilli ciyaareedkan, kuwaas oo sababay in la diido goolal gadood abuuray.

Xilli ciyaareedkii hore, taageereyaasha iyo sidoo kale ciyaartoyda ayay layaab ku noqotay in la diiday goolal offside ah ama kubbado gacanta kaga dhacay ciyaartooyo, laakiin aan daliil cad loo haynin.

Garsooreyaasha oo adeegsanaya VAR, ayaa waxay cabbir saareen ciyaartooyo aan waxba kala horreynin si ay u go’aamiyaan offside, waxaanay jeexayeen liidad ay ku kala-saaraan iyadoo ugu dambayntana qaab muran ku jiro oo aan caddayn ciyaartooyo dabbaal-degay oo kooxdoodu guusha isku qortay lagu wargeliyey in la diiday goolkooda.

Sidaas oo kale, waxa dhibaato ahayd in ciyaartoyda difaaca marka ay kubaddu ugaga dhacdo si aan ku talogal ahayn, in aan lagu dhigin rikoodhe, laakiin ciyaaryahannada kooxda weerarka haddii ay kubaddu si kama’ ah ugaga dhacdo gacanta kaddibna ay gool dhaliyaan, in laga diido, taas oo ay ka muuqatay caddaalad-darro.

Martin Ziegler oo ka ka tirsan wargeyska The Times ayaa isagoo soo xiganaya masuuliyiin ka tirsan maamulka Premier League, waxa uu sheegay, in xilli ciyaareedka 2021/22 aan la isiticmaali doonin labadii arrimood ee muranka badan ka dhashay ee VAR-tu sababta u ahayd ee goolasha lagu diido offside-ka aadka u yar ee cabbirka & calaamadaha Computer-ka dhexdiisa lagu soo saarayo iyo sidoo kale in kubbadaha kooxda weerarka gacanta ugaga dhaca si kama’ ah ee la diidi jiray haddii ay gool dhaliyaan.

Go’aankan Premier League ayaa waxa uu ka dambeeyey markii ay UEFA joojisay in tartanka EURO loo adeegsado labadan arrimood, isla markaana garsooreyaasha loo sheegay inay kaliya xukumaan offside-ka caddaanka ah ee aan cabbirka computer-ka u baahnayn, halka ciyaartoyda kooxda weerarka ahna loo ogolaanayo goolka ay dhaliyaan haddii kubaddu ay si kama’ ah gacanta ugaga sii dhacdo inta aanay goolka saxeexin.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More