RASMI: Ole Gunnar Solskjaer Oo Shaaciyey Liiska Xiddigaha Manchester

Manchester United ayaa war far-xadleh ka heshay ciyaartoygeeda dhaawacyada ahaa iyo kuwii amaahda kasoo laabtay qaarkood, kuwaas oo qaarkood diyaar u noqday kulanka saaxiibtinimo ee caawa ay Red Devils la ciyaarayso Brentford.

Tababare Ole Gunnar Solskjaer ayay kooxdiisu guul-darro weyn oo 4-2 ah la kulantay ciyaartii hore ee saaxiibtinimo, waxaana Sabtidii si xun u garaacday QPR.

Kulanka caawa waxa Manchester United usoo laabtay laacibka khadka dhexe ee Donny van de Beek oo kasoo kabtay dhaawac soo gaadhay intii aanay bilaabmin tartanka Euro 2020 oo xulka qaranka Netherlands oo lagu daray mar dambe laga saaray.

Waxa kale oo liiska ciyaartoyda Manchester United ee caawa lagu soo daray difaaca reer Portugal ee Diogo Dalot oo kasoo laabtay amaah uu ugu maqnaa, waxaana la filayaa in labadan ciyaartoy qayb ka noqdaan kulanka caawa.

Van de Beek oo 24 jir ah ayaa laga sugayaa in uu isku muujiyo ciyaartan si uu iskaga maydho niyad-jabkii xilli ciyaareedkii hore oo uu kaydka Man United ku dhamaystay. Sidoo kale, Dioto Dalot oo amaah ugu maqnaa AC Milan ayaa lagu soo daray liiska waxaanu haystaa fursad uu ugu soo bilowdo ciyaarta maadaama ay maqan yihiin Alex Telles oo dhaawac ah iyo Luke Shaw.

Bruno Fernandes, Anthony Martial iyo Scott McTominay ayaa dhamaantood kusoo laabtay tababarka Manchester United, laakiin diyaar uma aha kulanka caawa ee Brentford.

Ciyaartan oo ka dhacaysa garoonka Old Trafford ayuu tababare Solskjaer filayaa in uu helo natiijo ka beddelan middii Sabtidii. Ciyaarta ayaa bilaabmi doonta 10pm – waqtiga Geeska Afrika

Liiska ciyaartoyda Manchester United ee kulanka caawa:

Goolka: Heaton, Kovar, Grant

Difaaca: Dalot, Williams, Wan-Bissaka, Mengi, Tuanzebe, Fish

Khadka dhexe: Mata, Pereira, Garner, Levitt, Hannibal, Galbraith, Van de Beek, Matic

Weerarka: Greenwood, Pellistri, Lingard, James, Shoretire, Elanga, Hugill

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More