Skip to content
Sunday, September 27, 2026 14 Rabi al-Thani 1448 AH Fajr 04:37
Muqdisho 25°C
Breaking: Lavrov says Europe is blocking talks as strikes leave 16 dead across Russia and Ukraine
Breaking News
Axadle
Axadle Newsroom Sports English

Raphael Varane Oo U Duulaya Magaalada Manchester, Madrid Oo Aanu Ku

Follow
Newsroom published Updated 5 years ago 1-minute read
Dhageyso Qodobada AI Narration • ~1 min audio
Real Madrid Oo Rumaysan In Manchester United Mar Horeba Heshiis La

Manchester United ayaa qarka u saaran inay heshiis shaqsi ahla gaadho difaaca reer France ee Raphael Varane, kaas oo ay kooxdiisa Real Madrid go’aamisay in ay iibiso bishan July.

Varane oo sannad ka hadhsan yahay qandaraaskiisa Santiago Bernabeu ayay kooxdiisa isku afgaran waayeen inuu saxeexo heshiis cusub, sababta ugu weyn ee lagu kala tegayaana waa dhinaca mushaharka.

Sida uu qoray wargeyska MEN, Manchester United ayaa ka faa’iidaysanaysa kala fogaanshaha Real Madrid iyo Varane, waxaanay hadda u dhowdahay inay heshiis shaqsi ah la gaadho Varane, kaas oo ay rajaynayso inuu si toos ah ugu duulo magaalada Manchester marka uu soo dhamaado fasaxiisa, halkii uu dib ugaga laaban lahaa magaalada Madrid.

Wad-hadallo maalmihii ugu dambeeyey Varane iyo Manchester United ayuu warku sheegay in laga midho-dhaliyey oo hadda wax walba dhow yihiin.

28 jirkan ayay Real Madrid ogolaatay inay ku iibiso 50 milyan oo Euro, laakiin Manchester United ayaa doonaysa in ay bixiso 45 milyan oo Euro, waxayse warbaahintu sheegayaan in ay labada kooxood ka heshiin karaan farqiga aadka u yar ee u dhexeeya.

Varane ayaa doortay inuu iska tago Real Madrid kaddib markii ay kooxdu u bandhigtay heshiis cusub oo €5 milyan illaa €5.5 milyan uu ku helayo sannadkii, halka uu isaguna dalbaday €12 milyan oo Euro.

How do you rate this story?

0 votes