Browsing Category

Sports

Wararka Ciyaaraha | Sport. Firstly, your best sports source, From, the expert view you can trust.

“Waayihiisii Liverpool Wuu Soo Dhammaaday” – Xiddig

Da’yarka kooxda Liverpool ee Marko Grujic oo dhawaan dhammaystiray heshiis amaah ah oo hal xilli ciyaareed ah oo uu kusoo joogayo kooxda ree Portugal ee FC Porto ayaa gantaal kusoo ganay goolhayaha kooxdiisa ee Adrian.Tababaraha Liverpool ee Jurgen Klopp ayaa ku qasbanaaday inuu goolhayaha ree Spain shaxdiisa kusoo bilaabo kaddib markii uu dhaawac garabka ahi gaadhay goolhayaha dookha koowaad ee Alisson Becker.Kaddib markii uu kulanku afar daqiiqo socday, Adrian ayaa hadiyadeeyay goolka furitaanka ee uu Ollie Watkins oo…

Abaalmarinta Xiddigii Ugu Fiicnaa Premier League Bishii

Maamulka horyaalka Premier League ayaa ku dhawaaqay ciyaaryahanka kusoo guuleystay xiddigii ugu fiicnaa horyaalkaas bishii dhammaatay ee September waxaana loo doortay weeraryahanka Everton ee Dominic Calvert-Lewin oo wakhtigii ugu fiicnaa noloshiisa ku jira.Calvert Lewin ayaa ilaa hadda lix gool afar kulan oo Premier League ah kasoo dhaliyay halka uu sagaal gool kusoo dhaliyay lix kulan oo tartamada oo dhan ah.Intaas waxa dheer in Dominic markiisii ugu horreysay abid looga yeedhay xulka qarankiisa England isla markaana uu…

AKHRISO Hadalkii Ugu Horreeyay Ee Uu Thomas Partey Yidhi

Saxeexa cusub ee kooxda Arsenal ee Thomas Partey ayaa markii ugu horreysay hadlay isaga oo ciyaaryahan kooxdaas ah isla markaasna farriin usoo diray jamaahiirta kooxdiisa cusub.27 sano jirkan ayaa habeenimadii Isniintii lacag 45 Milyan oo Pound ah Arsenal ugaga soo wareegay dhinaca Atletico Madrid iyadoo uu tababare Mikel Arteta kor u qaaday dookhyadiisa khadka dhexe xilli ay kooxdu ugu yaraan afarta sarre u tartami doonto.Partey ayaa hadda xulkiisa qaranka ee Ghana oo uu kulamo caalami ah u ciyaarayo ku sugan isla markaana…

“Laag Ayay Barcelona Igaga Saartay Kooxdeeda, Xanuunkana

Luis Suarez ayaa markii ugu horreysay shaaciyey in qasab lagaga saaray Barcelona, isla markaana uu dareemay xanuunka bixitaanka si la mid ah Lionel Messi oo isaguna bannaanka soo dhigay sida uu uga xumaaday in saaxiibkii laga caydhiyo Kooxda.Suarez oo xalay gool u dhaliyey xulka qaranka Uruguay oo kulan ka tirsan isreeb-reebka Koobka Adduunka ee 2022 ku waajahay Chile oo 2-1 ay kaga adkaadeen, ayaa waxa uu caddeeyey in si xun ay ula dhaqantay Barcelona, isla markaana laag lagaga saaray naadiga oo uu doonayay inuu sii…

“Mourinho Ayay Baska Ka Tuureen, Haddana Solskjaer Ayay La

Kabtankii hore ee Manchester United ee Roy Keane ayaa waxa uu sheegay in dhawr ciyaartoy oo Red Devils ka tirsan ay ka shaqaynayaan sidii shaqada looga eryi lahaa tababare Ole Gunnar Solskjaer, kuwaas oo qaabka liidata ee ay u ciyaarayaan ka dhigan tahay in macallinkan seeftu qaaddo.Manchester United ayaa Axaddii waxay la kulantay guul-darradii ugu xumayd ee kasoo gaadha Premier League, waxaana 6-1 ku karbaashtay Tottenham iyadoo qaybta horena ku dhamaatay 4-1, taas oo ahayd bahdilaad halkii ugu dambaysay.Roy Keane oo…

Chelsea Oo Werwer Cusub Soo Food-saaray, Saxeexii Ugu

Frank Lampard ayay suurtogal tahay inuu kusii jiro xaaladdii gool-haye xumada ahayd, kaddib markii uu dhaawac soo gaadhay saxeexii cusbaa ee Blues samaysay xagaagan ee Edouard Mendy oo waxyeello kasoo gaadhay kulamadii caalamiga ahaa ee waddankiisa Senegal.Mendy oo xili ciyaareed cajiib ahaa kusoo qaatay Rennes oo uu ka caawiyey in markii ugu horreysay taariikhdeeda ay usoo baxdo tartanka Champions League ayaa waxa uu 22 milyan oo Gini ugu wareegay Chelsea xagaagii tegay, isagoo ahaa saxeexii dhamaystiray dhismaha kooxda ee…

Min 25ka Ciyaartoy Ee Man City, Man United, Liverpool,

Pep Guardiola ayaa noqday macallinkii ugu dambeeyey ee Premier League ee ku dhawaaqa liiska ciyaartoyda kooxdiisa ee ka qayb-geli doona tartanka Champions League ee xili ciyaareedkan, waxaana lagu qasbay inay keensato tiro ciyaartooyo ah oo ka yar inta naadiyada kale ay soo gudbisteen.Manchester City oo aan haysanin ciyaartooyo da’yar ah oo kasoo baxay kulliyaddeeda ayaa waxa 25kii ciyaartoy ee loo ogolaa ay kusoo koobneen 21, waxaana ka baxay afar ciyaartoy oo naadiyada kale ay ka yaraan doonaan.Saxeextada cusub ee Nathan…

Mesut Ozil Oo Hadalkii Ugu Horreeyey Kasoo Yeedhay Tan Iyo

Xiddiga reer Germany ee Mesut Ozil ayaa markii ugu horreysay hadlay tan iyo markii laga reebay liiska ciyaartoyda Arsenal ee ka qayb-geli doona tartanka Europa League ee uu tababare Mikel Arteta u gudbiyey UEFA.31 jirkan khadka dhexe ayaan lagu soo darin liiska 25 ciyaartoy oo Arsenal ah oo Mikel Arteta uu shaaciyey, kooxdana uga qayb-geli doona tartanka Europa League ee xili ciyaareedkan, waxaana maqnaanshaha ku wehelinaya difaaca reer Giriig ee Sokratis.Intii uu furnaa suuqii iibka ciyaartoyda ee xagaaga, ayaa waxa la…

“Riyadayda Weeyaan Inaan U Ciyaaro Real Madrid” – Paul Pogba

Xiddiga khadka  dhexe uga ciyaara Manchester United ee Paul Pogba oo qandaraaskiisa Old Trafford ka hadhsan yahay wax ka yar sannad ayaa waxa uu diiday inuu meesha ka saaro inuu mustaqbalka u ciyaari doono Real Madrid.Laacibka reer France ayaa waxa uu sheegay in u ciyaarista kooxda haysata horyaalka LaLiga ee Real Madrid ay tahay riyadiisa, laakiin waqtigan uu kaliya diiradda saarayo kooxdiisa hadda ee Manchester United.Isaga oo ka hadlayay shir jaraa’id ayaa la weydiiyey waxa uu ka sheegi karayo xiisaha Real Madrid uu u…

Muxuu Sir Alex Ferguson U Saadaaliyey Jurgen Klopp Maanta Oo

Markii uu Jurgen Klopp la wareegay shaqada Liverpool maanta oo kale shan sannadood ka hor oo ahayd October 2015, Sir Alex Ferguson ayaa sii saadaaliyey sida uu noqon doono waayaha tababaraha reer Germany ee Anfield iyo guulaha uu gaadhi karaba.Ferguson oo Manchester United u qaaday 13 horyaal oo Premier League ah, waxa uu sii saadaaliyey in Jurgen Klopp uu wax fiican ka samayn doono horyaalka Premier League oo uu koobka u qaadi doono Liverpool, isaga oo qirtay in taasi walaac ku hayso isaga maadaama uu Manchester United…

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More