Xidhiidhka kubadda cagta Spain ee RFEF, guddida u qaabilsan tartamada ayaa helay warbixinta tababare Ronald Koeman, Xavi Vilajoana oo ah agaasimaha Barcelona iyo weeraryahanka Getafo ee Cucho Hernandes.
Saddexdan qof oo lagu haysto eedaymo ay u jeediyeen garsoorka, ayaa waxa uu xidhiidhku daraasaynayaa, go’aanna ka gaadhi doonaa ciqaabta uu marsiinayo, iyadoo tababare Koeman la sheegay in illaa afar ciyaarood laga ganaaxi doono.
Tababaraha Real Betis ee Manuel Pellegrini, Joel Robles iyo Alvaro Cervera ayaa iyagana hore kiisas noocan ah looga gudbiyey, waxay se ciqaabtoodu ka badnaan doontaa midda tababaraha Barcelona.
Pellegrini, Robles iyo Cervera ayaa la sheegay in ciqaabtoodu noqon doonto mid u dhaxaysa afar illaa 12 ciyaarood iyo lacago ganaax ah oo caddadkeedu dhan yahay 3,005 Euro.
Waaxda dhawrista sumcadda ee xidhiidhak RFEF ayaa waxa la sheegay inay ka cadhoodeen bhadallado kasoo yeedhay tababareyaal, ciyaartooyo iyo agaasimeyaal, waxaana miiska u saaran Koeman, Vilajoana iyo Cucho oo su’aalo laga weydiinayo qaabkii ay uga hadleen kulankii El Clasico ee Real Madrid ay 3-1 ku garaacday Sabtidii iyo waliba sidoo kale ciyaartii ka horreysay ee Granada oo iyaduna kaga soo badisay 1-0, kuwaas oo ay garsooreyaasha ku eedeeyeen inay ka eexdeen.
Barcelona ayaa ka cadhootay go’aankii rikoodhaha loogu dhigay Real Madrid Sabtidii, kaas oo sabab u noqday in Los Blancos ay hoggaanka ciyaarta ka dhigto 2-1 xilli ay markii hore ahaayeen 1-1.
VAR oo laga soo daawaday qaladka uu Clement Lenglet ku galay Sergio Ramos ayaa waxa lagu go’aamiyey rikoodhaha, iyadoo uu waqti dambena Luka Modric ku daray goolka saddexaad.