Browsing Category

Sports

Wararka Ciyaaraha | Sport. Firstly, your best sports source, From, the expert view you can trust.

Paul Pogba Oo U Kala Tarjumay Edinson Cavani & Ole Gunnar

Paul Pogba ayaa bedel ku soo galay qeybtii labaad ee kulankii ay barbaraha goolal la’aanta la galeen Chelsea si la mid ah saxiixa cusub Edinson Cavani iyadoo ay markaas Manchester United raadineysay goolka guusha.Goolka ma uusan imaanin laakiin bedelka uu sameeyay tababare Solskjaer ayaa toosh ku iftiimiyay awooda luqadeed xiddiga khadka dhexe Paul Pogba kaasoo ku hadli kara luqado dhowr ah.Pogba ayaa la arkayay isagoo u kala tarjumaya Ole Gunnar Solskjaer iyo Edinson Cavani, madaama xiddiga reer Uruguay uusan ku hadli karin…

Liverpool Oo Guul Cidhiidhi Ah Ka Gaartey Sheffield United

Liverpool ayaa guul soo laabasho ah ka gaadhay Sheffield United oo ay isku haleeleen garoonka Anfield, taas oo Reds ay ugu soo laabatay jidka guusha.Sheffield United ayaa gool rikoodhe ahaa kala hormartay Liverpool daqiiqaddii 13aad ee ciyaarta kaddib markii uu Fabinho qalad ku galay McBurnie oo lugaha kula jiray xerada ganaaxa, waxaana gool u sarrifay rikoodhahan Sander Berge.Liverpool ayaa dhamaadka qaybta hore la timid goolka barbarraha, waxaana kubbad uu meel fog kasoo tuuray Jordan Henderson madax ku qabtay Sadio Mane…

“Ma Fahmi Karayo Sababta Ay Mar Walba Noogu Dhacdo In…..”

Ronald Koeman ayaa dood ka keenay go’aankii Real Madrid lagu siiyey rikoodhaha qaybta labaad ee kulankii El Clasico, taas oo Barcelona lagu garaacay 3-1.Garsoore Juan Martinez Munuera oo VAR-ka hayay ayaa xukumay in Clement Lenglet uu qalad ku galay Sergio Ramos oo uu jiitay iyagoo xerada ganaaxa ku wada jira, waxaana rikoodhaha gool u sarrifay Sergio Ramos oo ciyaarta ka dhigay 2-1 ka hor intii aanu Luka Modric oo beddel kusoo galay waqti dambe soo afjarin rajada Barcelona oo aanu ciyaarta ka dhigin 3-1.Koeman oo…

Muxuu Cristiano Ronaldo Ka Yidhi Guushii Ay Real Madrid

Cristiano Ronaldo ayay u ahayd maalin damaashaad oo uu kooxdiisii hore ee Real Madrid kala qayb-galay dabaal-degga guushii weynayd ee ay ka gaadheen Barcelona.Real Madrid oo labadii ciyaarood ee ugu dambeeyey laga soo badiyey ayaa u safartay gobolka Catalonia oo garoonka Camp Nou ay ku sugaysay Barcelona, taas oo Zinedine Zidane lasii sheegayay inay shaqadiisu halis geli doonto haddii uu guul kasoo gaadhi waayo, laakiin Los Blancos ayaa awood u yeelatay inay si raaxo leh ku badiyaan.Zidane ayaa kaydka dhigay Luka Modric iyo…

Ceebta Chelaea Banaanka Ayay Taal , Maxaan Ka Baranay

Man Utd 0-0 Chelsea: Edinson Cavani ayaa shabaqa soo taabtay kulankiisii ​​ugu horeysay iyadoo Edouard Mendy uu ka ilaaliyay kooxda Ole Gunnar Solskjaer. Waa warbixino xasaasi ah oo ku saabsan ciyaarta Man Utd iyo Chelsea ay barbaro goolal la’aan 0-0 ah ku kala baxeen garoonka Old Trafford. Edinson Cavani ayaa u dhawaaday kooxda martida loo ahaa, madaama rigooradii Cesar Azpilicueta ee dhinaca kale la iska indhatiray ka dib markii uu Harry Maguire maquuriyey. Waxay ahayd markii ugu horaysay 30 kulan oo ay Man United ku…

Qiimaynta Ciyaaryahanadda Kulankii Manchester United vs Chelsea

Manchester United ayaa soo afjartay laba guul-darro oo isku xigay oo horyaalka Premier League ahaa oo garoonka Old Trafford loogu xambaariyey, laakiin waxay haddana awoodi weyday inay guul kusoo afjarto inkaastaas, iyadoo barbarro 0-0 ah ay wada galeen Chelsea.Labada kooxood ayaa la moodayay inay ka taxadarayaan inay guul-darraystaan, aadna uga walaacsanaa, waxaana xaqiiqo ahayd in tababareyaasha uu saarnaa culays ah in midkooda guul-darraysta uu ogaa in xaalkiisu halis gelayo, inkasta oo haddaba Frank Lampard aanay…

Manchester United Iyo Chelsea Oo Goolal La’aan Ku Kala

Manchester United iyo Chelsea ayaa barbarro goolal la’aan ku kala baxay ciyaartoodii horyaalka Premier League ee garoonka Old Trafford.Kulankan oo ahaa mid ay labada kooxood fursaduhu ku yaraayeen ayaa waxa wacdaro dhigay goolhaye Edouard Mendy oo joojiyey fursadihii ugu cadcaddaa ee gool noqon karayay ee ciyaarta, kuwaas oo Marcus Rashford uu ku dhowaa inuu kooxdiisa saddexda dhibcood ku siiyo.Laba fursadood oo qaali ah oo Rashford uu helay ayuu Mendy joojiyey, halka qaybtii hore ay Blues dhawr jeer tijaabisay goolhaye…

Shaxda Rasmiga Ah Ee Kulanka Liverpool vs Sheffield United –

Liverpool oo ciyaarteedii hore ee horyaalka Premier League barbaro lasoo gashay naadiga Everton oo ay kulanka caanka ah ee Merseyside derby isku haleeleen ayaa Anfield kusoo dhoweynaysa Sheffield United, waxaanay xiddigaha Reds u dagaallami doonaan inay jidka kusoo laabtaan kaddib barbarrihii kooxda ay isku magaalada yihiin ay lasoo galeen.Liverpool ayay kulankan dhaawac kaga maqan yihiin xiddigaha Virgil van Dijk oo xili ciyaareedkan oo dhan aan lagu xisaabtamayn, Alex Oxlade Chamberlain, Thiago Alcantara, Konstantinos…

Musiibada Dhaawacyada Real Madrid Oo Halkeeda Kasii Socota

Musiibada dhaawacyada Real Madrid ayaa halkeeda kasii socota, waxaana farxaddi ay ka gaadheen Barcelona u raacday niyad-jab kale oo ah in mid ka mid ah xiddigihii uu Zinedine Zidane ciyaarta kusoo bilaabay uu ku biirayo laacibiinta dhaawac ah.Real Madrid ayay hore dhaawacyo ugaga maqnaayeen labada difaac midig ee Dani Carvajal iyo Alvaro Odriozola, waxaana hadda ka daba tegay Nacho Fernandes oo kulankii Real Madrid ay 3-1 ku garaacday Barcelona dhaawac soo gaadhay.Nacho ayaa daqiiqaddii 43aad ee dhamaadka qaybta hore uu…

Maxaa Ka Cusub Xaalada Cristiano Ronaldo & Fursadiisa

Tababaraha kooxda Juventus ee Andrea Pirlo ayaa ka hadlay xaalada kooxdiisa kahor kulanka ay habeen dambe Serie A la ciyaarayaan dhigooda Verona xilli uu sidoo kale kusoo wajahan yahay kulanka muhiimka ah ee Champions League ee Barcelona.Pirlo ayaa si weyn u sugaya tijaabada cusub ee xanuunka Korona Fayras ah ee laga qaadi doono Ronaldo xilli uu sidoo kale xaqiijiyay in Paulo Dybala uu ugu soo bilaaban doono kulankaas kooxdiisa.Ronaldo ayaa ahaa mid karantiin ku jiray tan iyo markii laga helay caabuqa isaga oo qarankiisa…

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More