Browsing Category

Sports

Wararka Ciyaaraha | Sport. Firstly, your best sports source, From, the expert view you can trust.

Riyad Mahrez Oo Xidhiidh Jacayl La Bilaabay Xiddigtii Uu

Xiddigta caanka ka ah telefishannada ee uu dhalay halyeyga reer England ee Dawn Ward ee lagu magacaabo Taylor ayaa shaacisay inay xidhiidh jacayl la bilowday xiddiga kooxda Manchester City ee Riyad Mahrez oo ay kala tageen gabadh hore oo laba carruur ah u dhashay.Taylor oo uu dhalay laacibkii hore ee reer England ee Ashley Ward oo waqtigan xiddig ka ah filimka Real Housewives of Cheshire oo ay iyaduna qayb ka tahay ayaa si rasmi ah usoo bandhigtay jacaylka cusub ee ay la bilowday laacibka Manchester City ee Riyad…

Liverpool & Manchester City Oo Guulo Gaartey, Klopp Oo Cidlo

Liverpool iyo Manchester City ayaa guulo kasoo gaadhay kulamadoodii Champions League ee caawa, waxaanay soo garaaceen labada kooxood ee Midtjylland iyo Marseille.Laba gool oo ay u kala dhaliyeen Diogo Jota iyo Mohamed Salah ayaa Liverpool ka caawiyey inay guusha kulankan hesho, laakiin tababare Jurgen Klopp ayaa qalbi-jab ka qaaday dhaawacyo soo gaadhay Fabinho oo booskii Van Dijk sii buuxinayay iyo Henderson oo ciyaarta ka baxay daqiiqaddii 30aad iyo waqtigii nasashada.Manchester City ayaa iyaduna 3-0 ku garaacday kooxda…

Real Madrid Oo Barbarro Xilligii Dhimashada Ka Heshay

Real Madrid ayaa barbarro dirqi ah kasoo hoysay ciyaar lagu dhibaateeyey oo laba gool ay kaga soo hormartay kooxda Borussia Monchengladbach, taas oo daqiiqaddii 85aad maraysay 2-0.Real Madrid ayaa xilli dambe dagaalantay, waxaanay soo kansashay laba gool oo lagaga horreeyey xilli ay shan daqiiqadood oo kali ah ciyaartu maraysay.Daqiiqaddii 33aad ayaa Real Madrid lagu niyad-jabiyey gool uu Borussia Monchengladbach u dhaliyey Marcus Thuram oo uu dhalay halyeygii reer France ee Lillian Thuram, waxaana mid labaad ugu daray…

Shaxda Adag Ee Manchester United Ay Kula Ciyaarti Doonto RB

Manchester United waxay garoonkeeda Old Trafford ku martigelin doontaa kooxda reer Germany ee RB Leipzig kulankeeda labaad ee Champions League Arbacada.Ole Gunnar Solskjaer oo dhibaato ka haysato kulamada horyaalka Premier League oo ay kooxdiisu kaalinta 15aad ku jirto, ayaa waxa kale oo saluug ka jiraa qaabka uu u sameeyo xulashada laacibiintiisa.Toddobaadkii hore waxay United kasoo hoysay guul weyn ciyaartii ay martida u ahayd Paris Saint-Germain oo culayskii badnaa ka dejisay tababare Solskjaer oo xataa la sheegayay in…

Bayern Munich Oo Guushii Labaad Kasoo Gaartey Kulan Ay Ku

Kooxda difaacanaysa koobka Champions League ee Bayern Munich ayaa guushii labaad oo xidhiidh ah ka gaadhay labadii kulan ee xili ciyaareedkan ee tartankan UCL, waxaana ciyaar aad u adkayd oo ay marti ugu ahayd kooxda Ruushka ah ee Lokomotiv Moscow ay kasoo gaadhay guul 2-1 ah.Bayern Munich oo kulankii hore guul weyn oo 4-0 ah ka diiwaangashatay Atletico Madrid oo magaalada Munich ay ku martigelisay ayaa waxay caawa iska xaadirisay waddanka Ruushka, waxaana xilli horeba tababare Flick niyadda u dhisay Leo Goretzka oo gool u…

Madaxweynihii Barcelona Iyo Dhamaan Madaxdii Kale Ee Kooxda

Madaxweynihii kooxda kubadda cagta Barcelona iyo dhamaan masuuliyiintii kale ee kooxda ayaa ku dhawaaqay inay iscasileen kaddib muddo qalalaase ay kusoo jireen oo ugu dambayntiina la go’aamiyey in codka kalsoonida loo qaado. Madaxweyne Josep Maria Bartomeu  iyo xubnaha boodhka sare ee kooxda ayaa dhamaantood si rasmi ah isku-casilay, taas oo la filayay illaa maanta inay dhacdo. Josep Maria Bartomeu ayaa xalay ku adkaystay in aanay qorshihiisa ku jirin inuu shaqada iska casilo, sidoo kalena waxa uu ka dalbaday Dawladda…

Thiago Silva, Kepa Iyo Xiddigaha Waaweyn Ee Ka Maqan Liiska

Frank Lampard ayaa shaaciyey magacyada 22ka ciyaartoy ee kulanka habeen dambe ee Champions League ay ku ballansan yihiin kooxda yar ee Krasnodar oo ay ku wada jiraan Group E, waxaana aan lagu soo darin difaaca reer Brazil ee Thiago Silva oo ku sugan magaalada London.Thiago Silva ayaa caafimaad qaba oo aan wax dhibaato ah qabin, laakiin tababare Lampard ayaa go’aansaday inuu siiyo waqti nasasho, si aanay culays ugu noqonin kulamada badan ee cidhiidhiga ah xilli ay da’diisu weyn tahay oo uu u baahan yahay in taxadar badan loo…

Michael Owen Oo Saadaaliyey Kulamada Champions League Ee

Manchester United ayaa rajaynaysa inay sii wadi doonto guusha Champions League oo ay mar kale libin kasoo hoyn doonto kulanka RB Leipzig ee Arbacada habeen dambe, taas oo ay uga sii horreysay PSG oo ay ciiyaartii koowaad marti ugu noqotay magaalada Paris ayna kusoo dhufatay 2-1.Weeraryahankii hore ee Manchester United ee Berbatov, ahna safiirka kooxda ee waqtigan iyo xiddigii Liverpool, Real Madrid iyo Manchester United ee Mikel Owen ayaa ciyaarta Red Devils ay habeen dambe kusoo dhoweynayso RB Leipzig waxay ku saadaaliyeen…

Ronald Koeman Oo Shaaciyey Xiddigaha Barcelona Ee Kulanka

Tababaraha kooxda kubadda cagta Barcelona ee Ronald Koeman ayaa shaaciyey liiska ciyaartoyda kooxdiisa ee kulanka Champions League ee Arbacada ay martida ugu noqonayaan Juventus, waxaana ka maqan Gerard Pique oo ganaax ah iyo Courtinho oo dhaawac ah.Barcelona ayaa u safartay magaalada Turin oo ay Arbacada isku haleeli doonaan Juventus garoonka Allianz Stadium oo aanay waligood guul kasoo gaadhin kooxda reer Spain. Laga soo bilaabo xili ciyaareedkii 1970/71kii oo ay ku wada ciyaareen Koobkii loo yaqaanay Fairs Cup illaa…

Shaxaha Rasmiga Ah Ee Kulamada Lokomotiv vs. Bayern Iyo

Inter Milan ayaa guushii ugu horreysay ee tartanka Champions League ee xili ciyaareedkan ka raadinaysa waddanka Ukraine oo ay marti ugu tahay Shakhtar Donetski oo usbuucii hore 3-2 kusoo garaacday Real Madrid, waxaana uu tababare Antonio Conte oo barbarro 2-2 ah kula soo galay magaalada Milan kooxda Borussia Mochengladbach uu u halgami doonaa inuu guul kusoo helo safarkiisa.Antonio Conte ayaa kusoo bilaabay shax ay hoggaaminayaan weeraryahanka reer Argentina ee Lautaro Martinez iyo dhaliyaha reer Belgium ee Romelu Lukaku,…

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More