Neymar Iyo Fabregas Oo Ka Hadlay Sida Xun Ee Ay Barcelona U

Dhaawacyada furan ee ka abuurmary heshiiskii uu Luis Suarez uga tagay Barcelona uguna wareegay kooxda Atletico Madrid ayaan weli dawoobin, mana u muuqato mid reysan doonta waqti dhow.

Messi aaya fariin uu ku macsalaameynayo saaxiibkiisa Suarez wuxuu soo dhigay maanta oo Jimce ah bogiisa Instagram, iyadoo Suarez uu u safray Madrid si uu u dhameystiro ku biiritaankiisa Atletico.

Si kastaba, Messi ayaa cambaareeyay madaxweynaha Barcelona Josep Maria Bartomeu isagoo ku dhaleeceeyay sida uu u la dhaqmay saaxiibkiisa Suarez.

Messi ay ku eedeeyay maamulka Barcelona inay Luis Suarez ka ceyrsadeen kooxda isagoo sheegay inaysan in badan la yaab ku aheyn hab dhaqanka maamulka kooxda Barcelona.

Wax ka yar ka dib fariintii uu Messi soo dhigay Instagram waxaa jawaab ka soo bixiyay Neymar kaasoo soo qoray:

“Waa caniib sida ay wax u sameeyaan” ayuu xiddiga reer Brazil iyo kooxda PSG soo qoray isagoo ku taageeray Messi dhaleeceyntiisa maamulka Barcelona.

Ka dib ciyaaryahan kale oo u soo ciyaaray Barcelona ayaa isna taageero u muujiyay Messi, iyadoo Cesc Fabregas uu kaga jawaab celiyay fariinta Messi emoji uu sacab tumayo.

Arintaan ayaa imaaneysa xilli Suarez uu macsalaameeyay Barcelona shalay oo Khamiis aheyd. Suarez ayaa shaqsi ahaan ka fogaaday inuu dhaleeceeyo Bartomeu laakiin Messi waxba ma qarinin maanta.

Macsalaameynta Suarez waxaa ka qeyb galay Messi iyo xaaskiisa Antonella, sidoo kale Busquets, Pique, Sergi Roberto iyo Jordi Alba.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More