Daaficii Sababta U Ahaa Guuldaradii Man United Ka Soo

Ole Gunnar Solskjaer ayaa si maldahan u sheegay inuu diyaar u yahay inuu isbedel ku sameeyo daafaca kooxdiisa kulanka Premier League ee ay Sabtida la ciyaarayaan kooxda Brighton.

Tababaraha reer Norway ayaa daawaday bilowgii isbuucaan iyadoo kooxdiisa lagu jiidjiiday Old Trafford ka dib markii ay guuldarro 3-1 ka soo gaartay Crystal Palace.

Inkastoo kooxda Roy Hodgson ay u qalmeen seddexda dhibcood, hadana Crystal Palace ayaa ka faa’ideyatay qaladaad difaacasho uu sameeyay daafaca dhexe Victor Lindelof.

Daafaca reer Sweden ayaa waxaa kala dhantaalay Wilfried zaha goolkii furitaanka, waxa uu sidoo kale keenay rigoroadii ay guusha ku xaqiijisatay Palace.

Lindelof ayaa qaab ciyaareed xun ku jiray dhamaadkii xilli ciyaareedkii la soo dhaafay iyadoo ay isku dhaceen xiddiga ay isku kooxda yihiin Bruno Fernandes ka dib markii uu qalad sameeyay kulankii semi-finalka Europa League ee ay guuldarada ka soo gaartay Sevilla.

Iyadoo Eric Bailly uu haatan ka soo kabsaday dhaawacii uu ku maqnaa, Solskjaer ayaa diyaar u ah inuu daafaca reer Ivory Coast ku soo bilaabo shaxdiisa islamarkaana uu kursiga keydka u dhaadhiciyo Lindelof.

Isagoo ka hadlayay shirkiisa jaraa;id ka hor kulanka Brighton, Solskjaer ayaa yiri:

“Waxaan qabaa in xilli ciyaareedkii la soo dhaafay ay cadeyn inoo aheyd sida fiican ee aan wax u difaacan karno, isbuucii hore ma aynan aheyn kuwa fantastik ah, waxaa inaga dhashay goolal aan qaladkeeda leenahay.

“Laakiin rikoodhka daafaceena ee xilli ciyaareedkii hore wuu fiicnaa gaar ahaan iska garab ciyaarista Eric iyo Harry aad ayay u fiicneyd.

“Eric waa taam mar kale, waana faa’ido weyn, waxaana doonayaa inuu horumar sameeyo oo uu kulamo badan ciyaaro. Waxaan sugeynay inaan taam noqdo oo uu si joogta ah u ciyaaro.”

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More