Philippe Coutinho Oo La Siiyay Maaliyad Lambar Cusub Ka Dib

Kooxda Barcelona ayaa ku dhawaaqday in Philippe Coutinho uu xiran doono maaliyada No.14 xilli ciyaareedkan ka dib markii uu ka soo laabtay amaahdii uu ku joogay Bayern Munich.

Maaliyada No.14 waxaa caan ka dhigay Johan Cruyff, kaasoo u  xiran jiray maaliyadaan kooxda Ajax iyo xulka Netherlands.

Si kastaba, sharciga ayaa u diiday inuu Barcelona u xirto maaliyada No.14 ee uu jeclaa isagoo lagu qasbay inuu xirto maaliyada No.9

Madaama weli uusan xirmin suuqa kala iibsiga oo xirmaya 5ta bisha October, weli si fiican looma kala garanayo lambaraha ay ciyaartoyda qaadan doonaan ee u dhaxeeya 1 ilaa 25.

Xaqiiqdiina maaliyada No.9 ayaa diyaar ah ka dib markii uu Luis Suarez kooxda ka tagay islamarkaana uu isbuucaan ku biiray Atletico Madrid.

Coutinho ayaa xirnaa maaliyada No.14 qeybtii hore ee xilli ciyaareedkiisii ugu horeysay ee Camp Nou ka hor inta uusan u bedelanin lambarka No.7

Si kastaba, weeraryahanka Faransiiska Antoine Griezmann ayaa kala wareegay lambarkaas intii uu ku maqnaa amaahda Bayern Munich.

Sidaan hoose ayay Barcelona u shaacisay lambar bedelka Coutinho:

Nuevo dorsal para @Phil_Coutinho ? pic.twitter.com/qgBQeLO17V

— FC Barcelona (@FCBarcelona_es) September 25, 2020

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More