Man City Oo Barbaro Ka Tuugtay West Ham Xilli Pep Guardiola

Manchester City ayaa barbaro ka tuugtay kooxda West Ham oo martli loogu ahaa garoonka Stadium iyadoo labada kooxood ay ku kala baxeen barbaro 1-1 ah.

- Advertisement -

Kooxda reer London ayaa hogaanka ku hormartay ka dib gool qurux badan uu u saxiixay Michael Antonio, iyadoo City ay barbaraha heshay bilowgii qeybta labaad ka dib gool uu u dhaliyay Phil Foden oo bedel ku soo galay.

Pep Guardiola ayaa laga jabiyay rikoodh cajiib ah waligiis intii uu tababare ahaa sideed dhibcood kama uusan helin shanta kulan ee ugu horeysa xilli ciyaareedka, iyadoo markii uu ugu dhibco hooseeyay waqtigaan oo kale uu heysta 10 dhibcood.

Natiijadaana ayaa ka dhigay in Manchester City ay ku jirto kaalinta 11aad iyagoo leh 8 dhibcood, waxayna shan dhibcood ka danbeeyaan kooxda hogaanka heysa ee Everton oo ay min shan kulan wada ciyaareen haatan.

Manchester City ayaa ciyaarta si fiican ku bilaabatay iyagoo inta badan kubada heystay laakiin waxaa looga naxsaday gool qurux badan oo ay West Ham hogaanka ku qabatay daqiiqadii 18aad ee ciyaarta.

Antonio ayaa u dhaliyay gool qalaama rogaal ah oo uu celin waayay goolhaye Ederson iyadoo ciyaartoyda Manchester City ay ku doodeen in goolka la diido madaama goolka ka hor uu kubada gacanta ku soo taabtay Soucek.

Laakiin VAR ayaa dib u eegis ku sameysay, waxayna go’aansadeen in kubada ay si kama ah gacanta uga dhacday Soucek islamarkaana goolka uu sax yahay.

Inkastoo City ay kubada heysatay hadana qeybtii hore waxay ku guuldareysteen inay badbaadin ku qasbaan goolhaye Fabianski.

Tababare Pep Guardiola ayaa bedel muhiim ah sameeyay bilowgii qeybta labaad isagoo bixiyay Sergio Aguero, wuxuuna ku bedelay weeraryahanka Ingariiska Phil Foden.

Lix daqiiqo ayay ku qaadatay Foden inuu shabaqa u soo taabto Manchester City isagoo dhaliyay goolka barbaraha daqiiqadii 51aad.  Cancelo ayaa boos banaan ka helay garabka midig, isagoo kubada u dhigay Foden oo cidna aysan raacaneynin kaasoo ku guuleystay inuu si habsami leh kubada u dabmariyo goolhaye Fabianski.

Waa goolkii tobnaad ee uu Manchester City u dhaliyo ciyaaryahan kursiga keydka ka soo kacay horyaalka Premier League tan iyo bilowgii xilli ciyaareedkii hore, mana jirto koox kale oo sidaan sameysay.

Taageerayaasha Man City ayaa arkay wax ay ku farxaan ciyaarta oo 20 daqiiqo ay ka harsan tahay markii Kevin de Bruyne oo dhaawac ka soo laabtay uu bedelay Bernando Silva.

De Bruyne ayaana badbaadin fantastik ah ku qasbay goolhaye Fabianski daqiiqadii 80aad, halka uu daqiiqadii 86aad kubad cajiib ah u dhigay Raheem Sterling kaasoo laga filayay inuu shabaqa soo taabto laakiin wuu dhaafi waayay goolhayaha.

banner

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More