Lionel Messi Oo Inkaari Kaga Ku Habsatey Kulamada El Clasico Tan

Lionel Messi ayay inkaari kaga dhacday kulamada Clasico ee kooxdiisa Barcelona iyo Real Madrid, tan iyo intii uu horyaalka Spain ka tegay xiddiga reer Portugal ee Cristiano Ronaldo.

Messi oo ah dhaliyaha ugu weyn ee ay Barcelona haysato, iyo xiddiga ay guulaha ka sugaan ayaan wax gool ah ka dhalinin Real Madrid tan iyo intii uu Ronaldo ka tegay kooxda ka dhisan caasimadda Spain.

Toddoba jeer oo ay iska hor yimaaddeen Real Madrid iyo Barcelona ayuu Messi garoonka ka baxay isaga oo aan shabaqa soo taabanin, waxaana ugu dambaysay ciyaartii shalay ay Real ku badisay 3-1 oo goolka madiga ah ee Barca uu dhaliyey Ansu Fati.

Markii ugu dambaysay ee Messi uu gool ka dhaliyo Real Madrid waxay ahayd kulankii 36aad ee horyaalkii 2017/18 oo ahaa midkii ugu dambeeyey ee Cristiano Ronaldo uu u ciyaaray Real Madrid, iyadoo xagaagii sannadkaana uu uga wareegay Juventus.

Lionel Messi oo ah laacibka goolasha ugu badan ka dhaliyey kulamada Real Madrid iyo Barcelona ee loo yaqaano magaca ‘El Clasico’, ayay ku adkaatay inuu gaadho shabaqa Real Madrid.

Xili ciyaareedkan oo ay kooxdiisu dheeshay shan kulan, waxa Messi laga dareemayaa hoos u dhac la xidhiidha dhinaca gool-dhalintiisa, waxaanu kaliya saxeexay hal gool illaa hadda, kaas oo uu ka dhaliyey Villarreal ciyaartii furitaanka horyaalka LaLiga.

Intii ka dambaysay, waxa uu ku guul-darraystay inuu gooal dhaliyo ama uu xataa caawimaad sameeyo afartii ciyaarood ee kale, waxaana ugu dambaysay in sidan oo kale ay ku dhacdo sannadkii 2014.

Hoos u dhacdiisan ayaa waxa ka horreeyey in xagaagii tegay uu ku jiray xaalad qalalaase ah oo uu doonayay inuu ka tago kooxda, go’aankiisana uu ku dhawaaqay balse masuuliyiinta Barcelona ay muran sharci geliyeen bixitaankiisa, taas oo keentay inuu xili ciyaareedkanna sii joogo Camp Nou.

Go’aanka Messi ee bixitaanka waxa kale oo kasii horreeyey burburkii iyo fadeexaddii ay Bayern Munich u xambaarisay bishii October kooxdiisa Barcelona oo 8-2 ay kaga reebtay Champions League, halka Real Madrid na ay horyaalka LaLiga ku guuleysatay, iyadoo ay Barcelona faro-madhan ku dhamaysatay.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More