Shaqada Mikel Arteta Ee Arsenal Oo Lala Bar-Bardhigay Midii

Tababaraha wakhtigan ee kooxda Arsenal ee Mikel Arteta ayaa lala bar-bardhigayaa midkii shaqada uga horreeyay ee Unai Emery iyadoo ay kasoo baxayso xog lama filaan ah oo muujinaysa sida uusan Arteta wax muuqda uga bedelin kooxdaasi.

- Advertisement -

Iyadoo ay Arsenal ku faraxsan tahay haatan inay dib u fadhiisato oo ay wakhti siiso khadkeedii dhexe ee hore haddana calaamadaha horumarka ayaan ahayn kuwo wax fiican muujinaya.

Isbar-bardhig hadda lagu sameeyay min 38-kii kulan ee ugu horreeyay ee ay Arteta iyo Emery ciyaareen ayuu tababaraha hadda ee kooxda Villarreal yahay midka gacan sarreeya.

Marka tartamada oo dhan la eego, Emery ayaa soo guuleystay kulamo ka badan kuwa Arteta iyaga oo 23 kulan iyo 21 kulan soo kala adkaaday halka ay kooxdii Emery 74 gool kusoo dhalisay kulamadaas iyadoo safka Arteta uu 58 gool diiwaan gashaday.

Dhinaca kale marka la isbar-bardhigo kulamada ay ka ciyaareen Premier League oo kaliya ayuu wali Arteta ka hooseeyaa Emery, Mikel ayaa 12 kulan soo guuleystay 26 kulan oo uu ilaa hadda horyaalka ka ciyaaray halka Emery uu 26-kiisii ugu horreeyay 15 guuleystay.

Intaas waxa dheer in Arteta uu siddeed guuldarro lasoo kulmay mudadaas halka Emery uu wakhtigaas oo kale lix guuldarro la kulmay, si lamid ah kooxda Arteta ayaa ka kubad haysasho hooseysa oo ka darbooyin yar midii Emery.

Guuldarradii xalay kasoo gaadhay dhigooda Leicester City oo 1-0 uga adkaatay ciyaar Emirates Stadium ka dhacday ayaa dhalisay in si ba’an loo weeraro Arteta.

Ugu dambayn, waxa uu Arteta kaga fiican yahay Emery ahna muhiimada ugu weyn ayaa ah inuu laba koob la qaaday Gunners halka uusan Emery wax koob ah keenin wakhtigiisii.

banner

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More