Browsing Category

Sports

Wararka Ciyaaraha | Sport. Firstly, your best sports source, From, the expert view you can trust.

DEG-DEG: Bayern vs PSG, Liverpool vs Actual Madrid –

Waxa la sameeyay isku aadka wareegyada siddeed dhammaadka iyo afar dhammaadka tartanka UEFA Champions League iyadoo ay koox kastaa ogaatay ugu horreynba cida ay la ciyaarayso wareega siddeeda iyo waliba cida ay afar dhammaadka ku kulmayaan haddiiba ay soo baxaan. Aan ku bilawnee kooxda Manchester City oo kamid ah kooxaha ugu cad cad hanashada Champions League ayaa ku aaday dhigeeda ree Germany Borussia Dortmund waxaana la isku daawan doonaa iyaga iyo Erling Haaland oo ay saxexiisa doonayaan. Si lamid ah City, Chelsea…

UEFA oo sameysay isku aadka 8-dhammaandka Champions League.

Xiriirka kubadda Cagta ee UEFA ayaa maanta oo Jimco ah sameeyay isku aadka Siddeed dhammadka Horyaalka Qaaradda Yurub ee Champions League oo aysan kasoo muuqan doonin Kooxaha Juventus iyo Barcelona oo ay ka kala tirsan yihiin Cristiana Ronaldo & Lionnel Messi oo 11-jeer ku muteysay abaarlmarinta Ballon D’or. Siddeeda Koox ee usoo gudubtay Champions League nasiibkana u yeeshay in ay ka qaybgalaan kooxaha usii hardamaya kasii mid ahaanshiyaha tartankaan ayaa kala ah: 1-FC Porto oo Portugal ah, 2-Borussia Dortmund oo…

Bruno – “Juventus Waa Koox Laga Yaq-Yaqsoodo Oo Uu

Daafacii hore ee kooxda Juventus ee Pasquale Bruno ayaa eedayn xoogan dusha ka saaray weeraryahanka kooxdiisii hore ee Cristiano Ronaldo iyo waliba maamulka kooxdaas oo uu ku qabsaday qaabka ay ula soo dhaqmeen tababarayaashii kala duwanaa ee sanadihii ugu dambeeyay.Eedaymaha loo jeedinayay Juventus gaar ahaan Ronaldo tan iyo markii ay kooxdaasi ka hadhay UEFA Champions League oo ay toddobaadkii hore ka cidhib tirtay Fc Porto oo si lama filaan ah sharciga goolasha martida ugu reebtay.Si lamid ah Ronaldo, Pasquale Bruno ayaa…

Gareth Southgate Oo Magacaabay Xiddiga Aan England

Tababaraha xulka qaranka England ee Gareth Southgate ayaa ka jawaabay su’aasha xiisaha badan ee ah ciyaaryahanka aan English-ka ahayn ee uu jeclaan lahaa inuu ku haysto kuna darsado xulka uu masuulka ka yahay.Southgate ayaa ciyaaryahankaasi u doortay mashiinka khadka dhexe ee kooxda Manchester City ee Kevin De Bruyne isaga oo ku sifeeyay mid wanaagsan.Southgate ayaa ku faa’iday horumarka ay Man City samaysay xilli ciyaareedkan isaga oo dib ugu wacay daafaca dhexe ee John Stones kaas oo si cajiib ah waayihiisa ciyaareed dib…

Waa Kuma Xiddiga Ugu Fiican Abid Kubadda Cagtu? –

Weeraryahanka kooxda Bayern Munich ee Robert Lewandowski ayaa ka hadlay su’aasha ah ciyaaryahanka ugu wanaagsan abid kubadda cagta isaga oo diiday inuu shaqsi gaar ah u doorto darajadaas xilli inta ugu badan loo kala doorto xiddigaha jiilka maanta ee Cristiano Ronaldo iyo Lionel Messi.Lewandowski qudhiisa ayaa haatan ah ciyaaryahanka ugu wanaagsan dunida kubadda cagta kaddib markii uu lixleey koobab ah kula soo guuleystay Bavaria isla markaana uu kusoo wada guuleystay abaalmarinaha Fifa The Best iyo xiddiga Yurub.Lewandowski…

Jose Mourinho Oo Deg-Deg U Booqday Qolka Labiska

Tababaraha kooxda Tottenham ee Jose Mourinho ayaa qaaday talaabo lagu amaanay kaddib markii ay kooxdiisu xalay guuldarro fadeexad ah oo ay kala kulantay dhigeeda ree Croatia ee Dinamo Zagreb kaga hadhay tartanka UEFA Europe League oo ay rajo ka qabtay.Mourinho ayaa isaga oo is dhul dhigaya isla markaana aysan ku jirin wax isla weyni ahi tagay qolka labiska Dinamo Zagreb isaga oo gacan qaaday xiddigaha kooxdaas isla markaana ugu hambalyeeyay guusha ay gaadheen.Tottenham ayaa iska lumisay hoggaan 2-0 ah oo ay haysatay lugtii…

QIIMAYN: Fursada Hanashada Champions League Ee

Real Madrid ayaa toddobaadkan meel iska saartay kooxda ree Talyaani ee Atalanta kaddib markii ay ka reebtay tartanka UEFA Champions League isla markaana ay wareega siddeeda u gudbeen balse wali dadka wax saadaaliya ayaan rajo weyn ka qabin ku guuleysiga koobka ee kooxdaas.Shaqsiyaadka sameeya arrimaha sharadka iyo saadaalinta ee wargeyska MARCA ayaa booska lixaad geeyay Real Madrid iyaga oo aaminsan inay jiraan shan kooxood oo kale oo haysta fursad iyaga ka wanaagsan.Saddexda kooxood ee kala ah Manchester City, Bayern Munich…

WAR CUSUB: Marcelo Oo Qishkii Ugu Weynaa Ka

Daafaca bidix ee ee kooxda Real Madrid ee Marcelo Vieira ayaa qish ka bixiyay inay dhawaan markale garoomada ku midoobi doonaan weeraryahanka Juventus ee Cristiano Ronaldo isaga oo adeegsaday muuqaal lasoo dhigay barta Instagram.Daafaca bidix ee Real Madrid ayaa dabka kusii shiday wararka ay saxaafada kubadda cagta caalamku wax ka qoraysay muddooyinkan ugu dambeeyay ee Ronaldo la xidhiidhinaya ku laabashada kooxda ree Spain.Sida uu sheegay wargeyska AS, rajada ugu weyn ee uu qabo Ronaldo ayaa ah inuu ku laabto Real Madrid oo…

Paul Scholes Oo Toos U Magacaabay Xiddiga Man

Halyeeyga kooxda Manchester United ee Paul Scholes ayaa aaminsan in goolhayaha dookha koowaad mudada dheer usoo ahaa kooxdiisii hore ee David De Gea uu si rasmi ah u waayay booskiisa kooxda kulankii ay xalay guusha 0-1 ka ah kasoo gaadheen dhigooda AC Milan.Dean Henderson ayaa markale bandhig ciyaareed cajiib ah soo bandhigay ciyaartii ka dhacday San Siro iyadoo Paul Pogba uu ahaa ciyaaryahanka bilawga qaybtii dambe soo dhaliyay goolka kaliya ee ay labadaas kooxood ku kala calaf-qaadeen.Henderson ayaa ku qasbanaaday inuu…

SAADAASHA Mark Lawrenson Ee Kulamada Premier

Xiddigii hore ee kubadda cagta England haatana door khabiir kaga shaqeeya BBC Sport ee Mark Lawrenson ayaa sidii looga bartay dhiibtay saadaashiisa toddobaadlaha ah isaga oo markan eraygiisa ka yidhi kulamada Premier League iyo FA Cup ee toddobaadkan la ciyaarayo.Kulamada ugu adag ee Premier League ayaa ah kuwa Aston Villa vs Tottenham iyo West Ham United vs Arsenal halka kulamada FA Cup ee xoogan laga xusi karo Leicester City vs Man United iyo Everton vs Man City.Aan ku bilawnee Mark Lawrenson ayaa diiday in kooxda Arsenal…