Mohamed Salah ayaa ka nixiyay Liverpool

Weeraryahanka Liverpool Mohamed Salah ayaa markale su’aal galiyay mustaqbalkiisa kooxda kadib markii uu wareysi dhinacyo badan taabanaya siiyay wargayska kasoo baxa dalka Spain ee AS.

- Advertisement -

Ganaaxa xulka Masar ee 28 jirka ah ayaa noqday xiddig weyn oo ka hoos ciyaara Jurgen Klopp Anfield intii lagu jiray 172 kulan oo uu u dhaliyay 108 gool wuxuuna ka caawiyay ku guuleysiga Champions League iyo Premier League.

Laakiin markii AS weydiisay Salah haddii uu meesha ka saarayo u dhaqaaqista Real Madrid ama Barcelona mustaqbalka dhow, xiddiga Reds ayaa diiday.

Mohamed salah ayaa sheegay in uu diirada saarayo sidii uu mar kale Liverpool ula qaadi lahaa horyaalka iyo champions League laakiin cidna ma oga waxa dhici doona mustaqbalka.

“Waxaan u maleynayaa in Madrid iyo Barcelona ay yihiin labo koox oo sarre,” ayuu yiri Maxamed.

“Yaa garanaya waxa dhici doona mustaqbalka, laakiin haatan waxaan diirada saarayaa inaan Liverpool kula guuleysto Premier League iyo Champions League markale”.

banner

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More