Browsing Category

Sports

Wararka Ciyaaraha | Sport. Firstly, your best sports source, From, the expert view you can trust.

Turkey Oo Xasuuq Kale Geystay, Holland Oo Guushii

Xulka qaranka Netherlands ayaa gaadhay guushiisii ugu horreysay ee isreeb-reebka Koobka Adduunka 2022, waxaanay meel iska saareen Latvia oo ay ku wada jiraan hormada G. Netherlands oo ciyaartii hore guul-darro xanuun badan kala soo laabatay waddanka Turkey oo ay marti ku ahaayeen, laguna soo garaacay 4-2 ayaa kusoo laabtay jidka guusha iyagoo saddex dhibcood ku helay guul ay ka soo hooyeen Latvia oo ay qaabbileen. Tababare Frank de Boer ayaa kusoo galay saf adag ciyaartan oo ka dhacday garoonka John Cruyff Arena ee…

Maaha Saka & Smith Rowe – Martin Odegaard Oo

Laacibka reer Norway ee Martin Odegaard ayaa magacaabay saddexda xiddig ee ugu wanaagsan da’yarta Arsenal, waxaana uu kaalinta koowaad geliyey laacib aan ahayn Bukayo Saka iyo Emile Smith Rowe oo ah kuwa lagu tilmaamo inay ugu wanaagsan yihiin kooxda. Gunners ayaa lasoo baxday jiil da’yar ah oo ay ku badhaxday ciyaartoydeedii waaweynaa, waxaana uu Martin Odegaard ka mid noqday laacibiinta amaahda ku yimid Emirates Stadium ee iyaguba da’yaraanta ku jira. Martin Odegaard oo ay Arsenal heshiis amaah ah kaga soo qaadatay…

LA OGAADAY: Qorshaha Real Madrid Ay Kula Soo

Real Madrid ayaa lagu soo warramayaa in ay dejisay qorshihii ay kusoo xero-gelin lahayd labada xiddig ee kooxaha waaweyn oo dhan ay u dagaallamayaan ee Kylian Mbappe iyo Erling Haaland, isla markaana ay waqtigan ba ku mashquulsan tahay sidii ay u diyaarin lahayd lacagtii ay kula soo wareegi lahayd. Tababare Zinedine Zidane ayaa hore u qiray sida uu u danaynayo weeraryahanka reer France ee Kylian Mbappe, waxaana usoo labeeya Erling Haaland oo ay u baahan yihiin goolashiisa tirada badan, si uu ugu galo booskii uu banneeyey…

Naxdintii Maanta: Jamille Matt oo Laf Kasta Ay Jabtay

Jamille Matt oo u ciyaara kooxda Forest Greenwood ayaa lix daqiiqadood oo kaliya markii uu garoonka ku jiray lagu qaaday naxash kaddib markii ay dhinaca kale u laabmeen faraha gacantiisa midig oo dhamaantood jajabay. Kulan ka tirsanaa heerarka hoose ee Ingiriiska oo ay gellinkii dambe ee maanta wada ciyaareen Forest Green iyo Bolton Wonders ayaa waxa uu musiibo ku oqday Jamille Matt oo uu garsooruhu si degdeg ah caawimo ugu dalbay markii ay dhamaan farihiisu jabeen, isla markaana la arkayay iyagoo dhinaca kale u laabmay.…

Laura Woods “Qalliinnada Maskaxda Ayay Samayn Karaan, Dayaxa

Xattaa haddii ay ciyaartooyo ama tababareyaal yihiin, dumarku wax fikrad ah kuma darsan karaan kubadda cagta laakiin waxay noqon karayaan dhakhaatiir sameeya qalliinnada maskaxda iyo cir-bixiyeeno u duula dayaxa, taasi waa bahdil, sidaa waxa rumaysan Laura Woods. Laura Woods oo ka mid ah wariyeyaasha telefishanka Sky Sports ayaa dood adag dunida soo dhex-dhigtay maanta xilli ay ka hadlaysay barnaamijka ‘Bandhigga Qureecda’ ee ka baxa talkSPORT, waxaanay sheegtay in dumarku ay ku dulman yihiin garoomada iyo fagaareyaasha…

Aubameyang Oo Beddelay Qaabkiisa Markii Uu Ku

Weeraryahanka Arsenal ee Pierre-Emerick Aubameyang ayaa taageereyaasha kaga yaabsaday qaab cusub oo uu samaystay oo beddelay muuqaalkiisa xilli uu ku maqan yahay ciyaaraha caalamiga ah. Aubameyang oo xulka qarankiisa Gabon ka caawiyey in ay usoo gudbaan Koobka Qaramada Afrika ayaa waxa uu baraha bulshada soo dhigay sawir uu gebi ahaanba yeeshay muuqaal ka duwan midkii hore. Bartiisa Instagram ayuu kusoo daabacay sawir uu la taagan yahay walaalkii Willy Aubameyang oo ay u wada dhaqmaan sida saaxiibbada, iyadoo uu…

Xiddigii Liverpool Ee Mustaqbalkiisa Uu Burburiyey

Michael Ngoo oo ka tirsanaa da’yarta Liverpool ayaa shaaca ka qaaday in jidh ahaan iyo maskax ahaanba uu dhaawac soo gaadhay kaddib taako aad u xumayd oo uu kala kulmay difaaca Reds ee Virgil van Dijk, laakiin uu haddana iska cafiyey. Michael Ngoo oo ku biiray da’yarta Liverpool sannadkii 2009 ayaa tababarka la qaadan jiray ciyaartoyda Liverpool ee heerarka hoose, waligiina kama mid noqon kooxda waaweyn ka hor intii aanu amaahda ugu wareegin Hearts, Yeovil iyo Walsall. Kaddib waxa uu sannadkii 2014kii heshiis rasmi ah…

TOP 10: Tobanka Xiddig Ee Ugu Seddexleyda

21 sannadood ayaan ku jirnaa qarniga 21aad, iyadoo durbaba ay isbedelo waa weyn ka dhaceen kubada cagta, waxaan maanta eegi doonaa xiddigaha dhaliyay seddexleyda ugu badan qarnigaan 21aad. Shabakada Transfermrkt ayaa soo bandhigtay xiddigaha dhaliyay seddex gool ama ka badan hal kulan gudahiis waayahooda ciyaareed. Waxaa kaalinta koowaad ku jira Cristiano Ronaldo oo dhaliyay 57 seddexleey, wuxuu seddex seddexleey ka dheer yahay Lionel Messi oo isna 54 dhaliyay. Ma jirto xiddig kale oo ku soo dhow labadaan halyeey…

Real Madrid Oo Ugu Dambeyn Jawaab Cad Ka Bixisay

Cristiano Ronaldo ayaa doonaya inuu ku soo laabto Real Madrid laakiin agaasimayaasha Los Blancos ayaa si cad u sheegay inaysan qorshaha ugu jirin inay soo ceshtaan halyeeygooda sida ay qortay jariirada Marca. Tan iyo markii uu soo booqday caasimada Spain bishii March ee sannadkii hore, Ronaldo ayaa ka fiirsanayay inuu soo laabto ka dib seddex sannadood oo uu ku jahwareeray Juventus iyo Champions League, wuxuuna jeclaan lahaa inuu ku soo noqdo kooxdii uu afar jeer ku qaaday koobka Dhega Weyne. Wakiilkiisa Jorge Mendes…

Sida Ay Noqon Karto Shaxda Chelsea Haddii

Chelsea ayaa lagu waramayaa inay dooneyso saxiixa Romelu Lukaku haddii ay seegaan saxiixa Erling Haaland xagaaga. Xiddiga reer Belgium ayaa ku jira qaab ciyaareed fiican xilli ciyaareedkan isagoo dhaliyay 19 gool islamarkaana caawiye ka noqday sideed gool kale 26 kulan oo Serie A ah uu u soctay Inter Milan. Waxaana macquul ah inuu ku soo noqdo Stamford Bridge. Chelsea ayaa kala soo wareegtay Lukaku kooxda Anderlecht xagaagii 2011. Si kastaba, 27 jirkaan ayaa ku fashilmay Stamford Bridge isagoo amaah loogu fasaxay West…