Browsing Category

Sports

Wararka Ciyaaraha | Sport. Firstly, your best sports source, From, the expert view you can trust.

Liverpool Oo Liiskeeda Ku Darsatay Tielemans, Laba Xiddig Oo Ka Tegaya

Suuqa iibka ciyaartoyda ee xagaaga ayaa furmi doona horraanta bisha June ee foodda innagu soo hayso, waxaana haddaba lasii helayaa xogta xiddigaha ay kooxaha waaweyn isku dayi doonaan in ay lasoo saxeexdaan.Wargeysyada waaweyn ee Yurub ayaa si joogto ah usoo bandhiga wada-hadallada, qorsheyaasha iyo xanta suuqa, waxaana maanta oo Khamiis ah qodobbadii ugu waaweynaa ee ay qoreen ka mid ahaa:Zinedine Zidane ayaa iska casilaya Real Madrid, waxaanu Arbacadii go’aankiisa u sheegay ciyaartoyda kooxda. (AS)Wakiilka Gareth Bale ayaa…

Lionel Messi Oo Ku Laabtay Waddanka Argentina Xilli Uu Dhamaaday

Lionel Messi ayaa ku laabtay waddanka Argentina oo uu u qaatay diyaarad gaar ah, xilli aanu wali saldhigin mustaqbalkiisa oo heshiiskiisa Barcelona uu ku egyahay bisha June ee foodda inagu soo hayso.Xiddiga  reer Argentina oo ay wehelinayaan carruurtiisa, xaaskiisa iyo xubnaha qoyskiisa ayaa subaxnimadii shalay gaadhay waddankiisa,, waxaana sidoo kale la socday Rodrigo De Paul.Laacibkan ayaa ku biiri doona xulka qaranka Argentina ee isku diyaarinaya tartanak Copa America ee bilaabmaya badhtamaha bisha June iyo kulamada…

Maxay Ahayd Sababtii Ay Manchester United Beddelka U Samayn Weyday

Ole Gunnar Solskjaer ayaa lagu dhalliilay in kooxdiisa aanu firfircoonaysiinin, isla markaana aanu wax beddel ah samaynin illaa laga gaadhayey daqiiqaddii 100aad, kulankii ay guul-darradu kasoo gaadhay ee finalka Europa League.Villarreal ayaa rikoodheyaal 11-10 ah kaga badisay Manchester United iyadoo ciyaartooda oo socotay 120 daqiiqadood ay kusoo dhamaatay barbarro 1-1, waxaana sidaas koobka ku qaaday kooxda reer Spain.Manchester United ayaa 90kii daqiiqadood ee waqtiga rasmiga ah ee ciyaarta waxay ku dhamaysatay shaxdii…

Raul Oo La Garbiyey & Midka Horreeya Allegri Iyo Conte Ee Real Madrid

Kaddib markii uu soo baxay warka sheegaya in Zinedine Zidane uu go’aan ku gaadhay in uu iska casilo shaqada tababarenimo ee Real Madrid oo xalay xaqiiqadii u dambaysay la helay, kooxda reer Spain ayaa kala dooranaysa labada tababare ee Talyaaniga ah ee Massimiliano Allegri iyo Antonio Conte.Zinedine Zidane ayaa go’aan kama dambays ah ku gaadhay in uu iska casilo Real Madrid oo xilli ciyaareedkii 2019-20 uu u qaaday horyaalka LaLiga, isagoo koobkaasna ay uga sii horreeyeen saddexdii Champions League ee xidhiidhka ahaa uu…

Qaladaadkii Waaweynaa Ee Ay Samaysay Manchester United Finalkii Europa

Halyeygii Manchester United ee Rio Ferdinand ayaa sharraxaad ka bixiyey qaladaadkii ay samaysay Red Devils kulankii finalka Europa League ee xalay ay Villarreal koobka kaga qaadday rikoodheyaasha magaalada Gdansk ee waddanka Poland.Ciyaartan oo socotay 120 daqiiqadood ayaa kusoo dhamaatay 1-1, waxaana la dhigay rikoodheyaal ay dhamaan 22kii ciyaartoy ee garoonka ku jiray ay wada tuurteen, iyadoo ugu dambayntiii laga qabtay David de Gea, sidaasna ay natiijada rikoodheyaashu ugu soo dhamaatay 11-10.United ayaa gool lagala…

“Shut Up” – Edinson Cavani Oo Garoonka Dhexdiisa Ku Bahdilay Tababare

Ole Gunnar Solskjaer iyo Edinson Cavani ayaa isku dhacay, ereyo kulul na isweydaarsaday intii ay socotay ciyaartii Manchester United guul-darradu kasoo gaadhey ee Villarreal ay rikoodheyaasha kaga qaadday Koobka Europa League.Tababare Solskjaer ayaa iska lumisay fursad uu United kula guuleysan lahaa koobkii ugu horreeyey, waxaana qaybtii horeba dhaawacay Gerard Moreno oo lugta geliyey kubbad laad xor ahayd oo uu soo tuuray Daniel Parejo daqiiqaddii 29aad.Victor Lindelof ayaa kubaddaas ku fashilmay in uu ka difaaco kooxdiisa,…

VIDEO: Bruno Fernandes Oo Oohin La Fadhiistay Garoonka Dhexdiisa

Xiddiga reer Portugal ee Bruno Fernandes ayaa ilmada xajisan kari waayey markii ay soo dhamaatay ciyaarii finalka Europa League ee ay guul-darradu kasoo gaadhay Manchester United, taas oo ay Villarreal kaga qaadday rikoodheyaal.Manchester United ayaa ahayd kooxda loo saadaalinayo in ay ku guuleysanayso Europa League, waxaana haddii ay  hanan lahayd ay soo afjari lahayd afar sannadood oo ay ku jirtay abaar koobab la’aan ah, laakiin kooxda tababare Unai Emery ee Villarreal ayaa rikoodheyaal 11-10 ah kaga qaadday.Halka Man…

Villarreal Oo Ku Guuleysatay Europa League, Rulli Oo Noqday Geesigii

Kooxda kubadda cagta Villarreal ayaa ku guuleysatay Koobka Europa League iyadoo rikoodheyaal ku garaacday Manchester United oo finalkii 5aad lagaga guuleystay intii uu Ole Gunnar Solskjaer tababaraha u ahaa.Villarreal ayaa xaqiijisatay in ay gacanta ku dhigto koobka Europa League oo ay bandhig wanaagsan ka samaysay, waxaana ka caawiyey goolhaye Geronimo Rulli oo rikoodhihii ugu dambeeyey u dhaliyey, kana qabtay David de Gea.Kooxda reer Spain ayaa qaybtii hore ee ciyaarta waxay la hormartay gool uu u dhaliyey Moreno, waxaase…

Barcelona, Juventus Iyo Real Madrid Oo U Jawaabay UEFA Oo LABA

Real Madrid, Barcelona iyo Juventus ayaa ka jawaabay war-saxaafadeed ay xalay soo saareen guddida anshaxa UEFA, taas oo sheegaysay in lasoo dhamaystiray baadhitaan lagu sameeyey saddexdan kooxood oo wali kusii dhegsan mashruucii fashilmay ee Super League.UEFA ayaa sheegtay in ay soo saarayso, go’aanka ciqaabeed ee la marsiinayo kooxahan, waxaanay warbaahintu ku fasirtay in sannad illaa laba sannadood laga ganaaxi doono tartanka Champions League, loona raacin doono ganaax lacageed oo badan.Laakiin kooxahan ayaa soo saaray…

FINALKA EUROPA LEAGUE: Shaxaha Rasmiga Ah Ee Man United vs Villarreal

Ciyaaryahanadda Manchester United iyo Villarreal ayaa ku sugan gudaha garoonka PGE Arena ee magaalada Gdansk ee waddanka Poland, halkaas oo ay sidoo kale joogaan 9,500 taageereyaal ah, kuwaas oo kala taageeraya labada naadi.Ole Gunnar Solskjaer ayaa raadinaya in uu United kula guuleysto koobkii ugu horreeyey ee isagoo tababare ah kaddib afar final oo lagu garaacay, waxaana uu ciyaartan kusoo bilaabay shaxda ugu adag ee uu heli karayay.Weerarka ayay kusoo wada bilowdeen Marcus Rashford, Edinson Cavani iyo Mason Greenwood oo…