MUCJISADII XALAY: 20 Ciyaartoy Oo Afar Goolhaye Ku Jiraan Oo Maqan…

Sidii aanu shalay idiin soo gudbinay, kooxda kubadda cagta River Plate ayay ciyaartooyo la’aani ku dhacday kulankii ay xalay la ciyaarayeen Santa Fe, waxaana fayraska Korona kaga  maqnaa illaa 20 ciyaartoy oo karantiil kaga jiray, waxaana kaliya usoo hadhay 11 laacib oo midkood dhaawac ahaa oo aanay goolhayeyaal ku jirin.

Afartii goolhaye ee ay kooxdu haysatay ee illaa naadiyadeeda hoose ayaa dhamaantood uu ku dhacay Fayrasku, waxaana xidhiidhka kubadda cagta Latin America uu ka diiday in ciyaartan dib loogu dhigo.

Kulankan oo ka tirsanaa  tartanka Copa Libertadores, waxa qasab ku noqotay River Plate in ay ciyaarto natiijadii doontaaba ha kaga soo baxdee.

Tababare Marcelo Gallardo ayaa 11ka ciyaartoy ee uu haysay waxa ku jiray Enzo Perez oo dhaawac muruqa ah qabay, waxaana uu go’aansaday in uu laacibkan goolka geliyo iyadoo uu tababarna sii siiyey.

Kulankan oo ka dhacay garoonka Estadio Manumental, waxa layaab lahayd in daqiiqaddii 10aad ba ay River Plate gool dhalisay kaas oo uu u saxeexay Fabrizio Angileri, waxaana mid kale raaciyey Julian Alvarez iyagoo ciyaarta ku hoggaamiyey 2-0 illaa waqti dambe ay Santa Fe gool kaliya la imanaysay.

Ma jirin cid filaysay in River Plate ay guuleysanayso, laakiin haddana waxay heshay guul mucjiso lagu tilmaamay.

Arrinta layaabka lahayd ayaa waxay tahay, in Perez oo isagoon waligii goolhaye noqon goolka la geliyey, haddana ay u dheerayd in uu dhaawac ahaa uu badbaadiyey kubbado layaab lahaa.

Daqiiqaddii 73aad ayuu Kelvin Osorio jabiyey xayndaabka difaaca River Plate isagoo goolka madiga ah u dhaliyey Sante Fe, ciyaartuna waxay kusoo dhamaatay 2-0.

Kulankan ayay adduunyada oo dhani maanta ka sheekaynaysaa, waxaana sidoo kale la isweydiinayaa sida xidhiidhka kubadda Cagta Latin America uu ugu diiday kooxdan in uu ciyaarta u baajiyo iyagoo 20 ciyaartoy karantiil kaga jiraan, isla markaana goolhaye la’aani hayso.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More